Justin Davis, oo ahaa ku xigeenka madaxa howlgalka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Ku-Simaha Safiirka ee safaaradda, sida lagu xaqiijiyay bogga rasmiga ah ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
“Shaqada Davis waxay diiradda saari doontaa sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo hormarinta danaha Mareykanka ee Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii safiirkii hore Richard H. Riley xilka laga qaaday, isla markaana Madaxweyne Donald Trump uu dib u habeyn ku sameeyay qaar ka mid ah safiirrada Mareykanka ee qaaradda Afrika.
Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in Justin Davis uu si buuxda u qaadi doono masuuliyadaha safiirka, isaga oo taageeraya xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

