Taliyahii hore ee ciidanka dhulka Soomaaliya Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimada kooxda Al-shabaab u leedahay qabsashada magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Jenaraalka ayaa tilmaamay in degmada Moqokori ay tahay magaalo dhan kasta istaraatiiji u ah cid walba oo gacanta ku dhigta hadey noqon laheyd dowladda iyo Al-shabaab intaba.
“Moqorkori waa meel istaraatiiji ah, wadooyin badan baa ku kulma wado Maxaas aadda, wado Yasooman aadda, wado aada Aadan Yabaal, wado aada Xaawo gadiid iyo Budbud, waddo dhanka hoose aada sida Xalfooley, Ceelhareeri ilaa Jalalaqsi wadooyin badan bay kulmisaa, waa degmo qadiimi ah oo istaraatiijiyad muhiim.ah leh” ayuu yiri Jeneral Biixi.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Jeneraal Biixi in qabsashada Al-shabaab ee degmada Moqokori ay tahay mid dhabar jab weyn ku ah halganka dalka looga xureynaayo Al-shabaab ee lagu kali yeelay beesha Xawaadle.
“Al-shabaab qabsashadooda Moqokori waxa uga muhiimsan sidii ay u jabin lahayeen qabka Macawiisleeyda oo ah beesha kaliya ee aduunka tustay in Shabaab lala dagaalami karo, runtii waxaan ku amaanaya beesha sida kartida ah ee mudada dhowrka sano ah u hortaagan yihiin Al-shabaab oo ah Urur heer Caalami ah oo hub iyo dhaqaalo xoogan ka hela meelo kala duwan, iyagoo hal beel ah isaga difaacayaan, Macawiisleeyda beesha Xawaadlle bilad ayey mudanyihiin waana daraawiishtii qarnigaan” ayuu yiri Jeneraal Biixi.
Ugu dambeyntii Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi Taliyahii hore ee ciidanka dhulka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Macawiisleeyda Xawaadle ineysan niyad jab ku keenin qabsashada Moqokori, islamarkaana ay sii wadaan halganka ay isaga xureynayaan kooxda Al-shabaab.