Ciyaaryahanka xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda kubadda Cagta Bayern Munich Jamal Musiala ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta uu u xirtay nambarka 10aad ee xulkaas isaga oo xusuus waqti dheer ah galay intii uu sharaxaadda uu ka bixinayay.
Jamal ayaa sheegay in tan iyo yaraantiisa uu jeclaa xirashada nambarkaas isaga oo si gaar ah u tilmaamay in uu ku xusuusto halyeeyo waa weyn oo kubadda cagta soo dheelay sidaas awgeed uu ku jeclaaday xirashada nambarkaas buuxa ee 10aad.
“Nambarka 10aad waxa aan jeclaa ilaa yaraanteydii oo waa riyadeyda hadda rumowday, waxaa xirtay oo lagu xusuustaa Halyeeyo badan oo laga soo billaabo xiddigii qarankeenna ee Lothar Matthäus ilaa Lionnel Messi oo ilaa haatan xiran” Ayuu yiri Jamal Musiala.
Waxa uu qiray in nambaro kala duwan uu ku dheelay ay ku sababtay in uu waayay nambarkaas uu jecel yahay ee 10aad balse mar uun wixii uu haminayay maanta xaqiiq u noqotay sidaasina uu u xirtay xulka Qaranka Jarmalka.
“Nambaro kala duwan oo aan ku dheelay waxaa sabab u ah xaqiiqdii in rag saaxiibadey ah ay xiran yihiin nambarkaas aan jeclahay ee 10aad, ma doonayo in aan kala wareego qof iiga horreeyay nambarkaan sidaas waxa aan u samaynayo waa xushmadda kubadda cagta” Ayuu sii raaciyay Jamal Musiala.
Mar lagula kaftamayay in uu buuxin karo kaalinta Ragga horay usoo xirtay iyo kuwa ilaa haatan xiran oo uu ugu horreeyo Kabtanka Xulka Qaranka Argentina ee Lionnel Messi waxa uu qiray in uusan gaari Karin ama uusan is dhinac dhigi Karin hibadooda gaarka ah ee Kubadda Cagta.
Wareysiga lala yeeshay Jamal Musiala waxaa la weydiiyay Ragga uu Kubadda Cagta ku daydo ama uu jeclaan lahaa in uu gaaro heerkooda oo kale waxa uu durba u kicitimay dhanka Koofurta Ameerika isaga oo yiri “Messi & Ronaldinho Ayaan ku daydaa”.
Jamal Musiala waxa uu asal ahaan kasoo jeedaa Dalka Nigeria ee Waqooyiga Qaaradda Afrika balse waxa uu qaatay dhalashada Dalka Jarmalka inkasta oo uu ku dhawaaday in uu dhalasho labaad ka qaato Dalka Ingiriiska kahor inta uusan dooran Dalka uu haatan metalo 21 sano jirkaan.