Xiddigii hore ee Liverpool Sadio Mane, oo 31 jir ah, ayaa guursaday ‘18-sano jir saaxiibtiis muddada dheer ah’ Aisha Tamba xaflad gaar ah oo ka dhacday Senegal.
Aroosku wuxuu dhacay 7-dii January isaga oo ka dhacay Keur Massar – lix maalmood ka hor bilowga Koobka Qaramada Afrika ee 13 January.
Wararka ka imaanaya Pulse Sports ayaa sheegaya in Aisha ay xidhiidh dheer la lahayd xiddiga 31 jirka ah ilaa markii ay caruurta ahayd iyada oo sidoo kale la sheegay in xiddigii hore ee Liverpool uu qaaday masuuliyada gabadha iyo waxbarashadeeda.
Wargayska Mailonline ayaa sheegaya in uu Mane sidoo kale qaaday masuuliyada qoyska gabadha haatan xaaskiisa noqotay isaga oo siin jiray biilka iyo wax walba oo ay nolosha ka rabaan.
Mane ka qayb qaatay korinta gabadha maadama uu ilaa yaraanteedii aqoon u lahaa isla markaas ka soo bixiyay waxbrashada heerarka kala duwan.