Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Jabuuti oo ku soo biirtay loollanka dalalka gobolka ee jagada guddoomiyaha midowga Afrika

    Jabuuti oo ku soo biirtay loollanka dalalka gobolka ee jagada guddoomiyaha midowga Afrika

    By radiohalgan.comApril 10, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kulankii 44aad ee golaha midowga Africa ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.

    Hoggaamiyaha mucaaradka ee wadanka Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay inuu u tartami doono qabashada xilka hoggaanka midowga Africa 19-kii bishii Febraayo ee sanadkaan. Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaana lagu sheegay in ay taageerayaan musharaxnimada Raila Odinga ee qabashada xilka hoggaanka Midowga Africa.

    Odinga waa hoggaamiye mucaarad ah oo wadanka Kenya siyaasadiisa muddo dheer kusoo jiray, waxuuna mar ahaa Raiisul wasaaraha dalka Kenya. Wuxuu madaxweynaha dalka Kenya u tartamay shan jeer, halmarna kuma guuleysan qabashada xilka madaxtinimada Kenya. Mar walba wuxuu sheegayey in doorashada la musuqmaasuqay.

     

    Bishii Febraayo isla sanadkaan waxaa shaacisay qabashada xilka madaxtinimada hoggaanka Midowga Afrika in ay u tartamayso Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo siyaasadda Soomaaliya kusoo jirtay illaa 2012-kii. Xukuumaddii Raiisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayay kamid noqotay markaas.

    Waxuuna Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon u magacaabay Fowsiya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Waxayna ahayd qofkii ugu horreeyay ee dumar ah ee xilka Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibaddaba Soomaaliya qabata.

    Fowsiya oo ah gabadha keliya ee tartameysa, ayaa sheegtay inay rajo weyn ka qabto hanashada kursigan, ayna dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay. “Fursadda aan leennahay aad ayay u sarreysaa haddii aan dadaalkeeda galno. Waxaad mooddaa in Soomaaliya lagu wada eegayo il naxariis leh. Haddii aan ku guuleysanno, waxay noqoneysaa in wax badan ay inoo qabsoomayaan” ayay tiri Fowsiya.

    Ololaha labada siyaasi, waa Fowsiya iyo Odinga ayaana xawaare ku socday tan iyo ku dhawaaqistoodii ay sheegeen in ay u tartamayaan hoggaanka Midowga Afrika, balse bulshada Bariga Afrika oo ay dhawaan Soomaaliya ku biirtay waxay warsaxaafadeed ay soo saartay ku xustay in Raila Odinga ay taageerayaan.

    Bishiii March ee lasoo dhaafay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in la sameeyay gudigga ololaha doorashada midowga Afrika, si ay u garab istaagaan musharaxa Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

    Raila Odinga
    Halkaas iyada oo ay marayso waxaa tartanka kusoo biirtay Jabuuti oo shaacisay musharaxeeda u tartami doona qabashada xilka hoggaanka midowga Afrika.

    Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa noqonaya musharaxa ii dalkiisu u soo istaajiyey tartanka qabashada xilkan. Maxamuud Cali waa wasiirka Arrimaha Dibadda ee ugu wakhtiga dheer dalka Djibouti waxuu xilka hayaa tan iyo 2005 tii. Waana diblumaasi caan ah oo aad loo yaqaanno.

    “Jamhuuriyadda Jabuuti waxay si rasmi ah ugu dhawaaqaysaa murashaxnimada wasiirkeeda arrimaha dibadda mudane Maxamuud Cali Yuusuf ee xilka guddoomiyaha guddiga midowga Afrika” sidaa waxaa lagu sheegay war-murtiyeed ay Jabuuti soo saartay maanta.

    Tani waxay ka dhigan tahay in markii ugu horreysay ay Soomaaliya iyo Jabuuti ku wada tartami doonaan xil noocan ah. Tanina waxay noqon kartaa xifaaltan siyaasadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Djibouti.

    Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028.

    Maxamuud Cali Yuusuf - Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Soomaaliya ugu sharaxan in ay qabato xilkaan waxay kusoo aadaysaa ol’olaheeda doorasho xilli gobolka ayka taagantahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah xarunta Midowga Afrika.

    Warraysi ay BBC-da horrey u sheegtay waxay Fowsiya sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo iyadaba ay shirar badan oo ku aadan ol’olaheeda la galeen. Waxay sidoo kale sheegtay in xilkaan muddo isha ku haysay.

    Loolanka qabashada hoggaanka Midowga Afrika ayayna hadda si toos u shaaciyeen saddexdaan musharax ee kasoo kala jeeda Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti. Musharax walbana waxaa taageeraya oo riixaya dowladiisa si uu u hanto xilkan.

    Haddii xilka hoggaanka Afrika uu qabto qof dumar ah ku xigeenku waxuu noqonayaa qof rag ah, haddii xilka hoggaanku nin uu qabtana ku xigeenku waxay inta badan noqonaysaa qof dumar ah.

    Illaa intii uu ka soo guuray Midowga Afrika (African Union) magaciisii hore ee ahaa Ururka Midnimada Afrika (Organization of African Unity) goluhu wuxuu qabtay shan doorasho, hoggaankii ugu horreeyay ayaana xilka hayay intii u dhexeysay 2003 illaa 2008dii.

    Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.