Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Jabuuti oo kaalin hoose ka soo gashay qiimeynta dekadaha ee Bangiga Adduunka iyo dowladda oo ka carootay

    Jabuuti oo kaalin hoose ka soo gashay qiimeynta dekadaha ee Bangiga Adduunka iyo dowladda oo ka carootay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 10, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dowladda Jabuuti ayaa ka hor timid qiimeynta uu soo saaray Bangiga Adduunka 2023 ee ku saabsan kala horeynta iyo dekedaha ugu fiican caalamka iyada oo la eegayo shaqa wanaagooda iyo waxqabadkooda sannadlaha ah.

    Mamuulka dekeedaha dalka jabuuti ayaa si adag u cambaaraynayay qiimaynta CPI iyo kaalinta hoose soo gashay dekedda Jabuutoi.

    Maamulka Dekeddaha iyo Aagga Xorta ah ee Jabuuti, ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin warbixintii u dambaysay ee Baangiga Adduunka ee ku saabsan qiimeynta dekadaha, kaas oo Dekadda Jabuuti dhigay kaalinta 379-aad oo markii hore taas oo ah mid aan la aqlaabi karin hoos u dhac aan sabab lahayn oo ka yimid kaalinta 26aad ila 379aad.

    “Waxaan muujineynaa diidmadeena xooggan ee warbixintan, oo aan aaminsanahay inay tahay marin habaabin wayn oo ka dhan ah xaaladda dhabta ah ee ka jirta xarumaheena iyo tayada adeegyada aan bixinno”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Waxay sheegeen in dekedaha Jabuubti ay hormuud yihiin oo lagu yaqaano adeeg dhameystiran ee badaha.

    “Dekadaha Djibouti waxaa loo aqoonsaday inay yihiin hogaamiyayaasha saadka badaha, dekedaha Djibouti waxa ay caan ku yihiin hufnaanta iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan isku xidhka Afrika iyo suuqyada caalamka.

    Waxay sheegeen in dekedaha Jabuubti ay hormuud yihiin oo lagu yaqaano adeeg dhameystiran ee badaha.

    XIGASHADA SAWIRKA,MAAMULKA DEKADAHA JABUUTI

    Qoraalka sawirka,Waxay sheegeen in dekedaha Jabuubti ay hormuud yihiin oo lagu yaqaano adeeg dhameystiran ee badaha.

    “Sumcaddan waxaa lagu dhisay waxqabad joogto ah iyo maalgashi la taaban karo oo lagu sameeyay kaabayaasha iyo teknoolojiyadda, sida nidaamka dhaqaalaha badda ee horumarsan ee fududeynaya habsami u socodka ganacsiga. Intaa waxaa dheer, Jabuuti waxay heshay abaal-marinno caalami ah oo badan iyo jawaab celin wanaagsan oo ay ka heleen la-hawlgalayaasheeda maraakiibta caalamiga ah.”

    “Iyadoo laga jawaabayo qiimeynta muranka dhalisay, mamuulka dekeedaha ayaa sheegey inay hadda sameyneysaa dib u eegis qoto dheer oo ku saabsan habka iyo xogta uu isticmaalo Bangiga Adduunka.

    Waxay qorsheyneysaa in ay wadahadal toos ah la yeelato hay’adda si loo xalliyo khilaafaadkaas iyo in la hubiyo in si sax ah loo muujiyo waxqabadka dekedda Jabuuti.

    Waxay sheegeen in dalka Jabuuti ay kusoo qulqulaayaan maalgashadayaasha dibadda kaas oo lagu raajo weyn yahay inuu wax ka badello dhaqaalaha dalka yar ee ku yaala Bariga Afrika.

    Hoos u dhacaan ayaa la sheegay inay sabab u tahay dagaalada ka socda dalka Yemen ee xuutiyiinta ku beegsanaayan maraakibta iska gudba marrin biyoodka Babuul Mandab.

    Dhaqaalaha dalka Jabuuti ayaa waxa uu ku tirsaan yahay dekedaha. Dalka Djibouti waxa uu kamid yahay wadamaada ugu dhaqaalaha yar dalalka Afrika.

    Dekadaha ku yaal Bariga iyo Koonfur-bari Aasiya ayaa qayb libaax ka qaatay liiska qiimeynta Waxqabadka Dekeddaha Caalamiga ah ee 2023 (CPPI), iyaga oo haysta 13 ka mid ah 20 ka boos ee ugu horreeya qiimeynta.

    Dekadaha ku yaal Bariga iyo Koonfur-bari Aasiya ayaa qayb libaax ka qaatay liiska qiimeynta Waxqabadka Dekeddaha Caalamiga ah ee 2023 (CPPI),

    XIGASHADA SAWIRKA,CPI

    Qoraalka sawirka,Dekadaha ku yaal Bariga iyo Koonfur-bari Aasiya ayaa qayb libaax ka qaatay liiska qiimeynta Waxqabadka Dekeddaha Caalamiga ah ee 2023 (CPPI),

    Liiska CPPI 2023 waxaa lagu soo daray 57 dekedood oo cusub, oo ay ku jiraan Muuga, Estonia iyo Duqm, Cumaan. Sidaa darteed, mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn Hindiya, dekedda Visakhapatnam, ayaa kor u soo kacday iyadoo soo gashay 20-ka ugu sarreeya ee dekedaha ugu waxtarka badan.

    Marka laga hadlayo dekedaha ugu waxqabadka wanaagsan, dekedda Yangshan ee Shiinaha ayaa sanadkii labaad ku soo baxday kaalinta koowaad, halka dekedda Salalah ee dalka Cumaan ay ku jirto kaalinta labaad.

    Dekedda Cartagena (Colombia) waxay u gudubtay inay gasho kaalinta saddexaad, waxaana ku soo xiga Tanger Med (Morocco), sida sannadkii hore oo kale waxay gashay kaalinta afraad, iyo dekedda Tanjung Pelepas (Malaysia), oo sidaas ku soo gashay 5-ta dekedood ee ugu tayada badan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.