Kulanka oo dhacay maalintii khamiista 18kii Bishan ayaa la taliye Redwan Hussein hadalkiisa ku billaabay “Itoobiya waxay u baahan tahay dekado baddan oo kale si ay u ilaaliso dhaqaalaheeda kobcaya,
Isagoo warbixin kooban ka siiyay u-qaybsanayaasha ciidamada Safaaradaha ku sugan Addis Ababa; heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dhawaan wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland, waxa uu lataliyuhu xusay in Itoobiya ay marin u lahayd badda muddo qarniyo ah, balse ay noqotay dal aan bad lahayn muddo haatan laga joogo 30 sano.
“uma noolaan karno sida wakhti hore, laakiin waa inaan wax ka qabannaa dhibaatada hadda Itoobiya soo food saartay,” ayuu yiri, isagoo raaciyay in dadka Itoobiya ay hadda yihiin 120 milyan, dhaqaaluhuna uu aad u korayo.
Sidaas darteed, suurtagal maaha in la dego oo kaliya hal meel oo haddii ay wax dhacaan uu dalku la kulmo dhibaato xooggan, ayuu sii raaciyay.
“Hadda, haddii aad u fiirsato waxa dhawaanahan dhacaya ee ku saabsan weerarka Xuutiyiinta ee Badda Cas, oo aan weyn karno gelitaanka dekedaha Jabuuti, haddii ay wax ka dhacaan Jabuuti, markaa dalkan waa u dhammaatay,” Redwan ayaa mar kale sidaa yiri.
Lataliyaha amaanka ee Abiy Ahmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan lahayn wax kale oo badala sidaa darteedna ay xukuumaddu dadaal ugu jirto ayna isku dayayso in ay la xiriirto waddamada saaxiibka ah si ay u fahmaan dhibka haysta Itoobiya.
“Dabcan waan heysannaa hal marin oo fiican oo Djibouti 30kii sano ee la soo dhaafay, ee uu dhaqaaluhu aad u yaraa. Laakin hadda waxa aan arkaynaa caqabado iyadoo dhaqaalaha Itoobiya uu ka korayo dhammaan dacallada dalka. Sidaas darteed hal meel ama hal dal kuma filna si loo joogteeyo dhaqaalahaas kobcaya. Waxaan u baahanahay inaan la nimaadno wax ka hal deked.”
Si ay taasi u dhacdo, wuxuu intaas ku daray in Itoobiya aysan u baahneyn in ay dal ku duusho. “Waxaan sameyn karnaa qaab ganacsi si loo wada guuleysto. Laakiin waxaan u baahanahay dekedo, waxaan wadamada saaxibadeen ah u bandhignay in ay nagu caawiyaan sidii aan dekedo dheeri ah u heli lahayn. ”
Waxaa intaa dheer, lataliyuhu wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay wax badan ka geysanayso nabadaynta gobolka iyo Afrika. Kadibna dabcn ay u baahanyihiin in ay danahooda ka shaqeeyaan waa Itoobiyee, oo ay si wanaagsan uga qayb qaadataan nabadaynta gobolka. Asiga oo sii hadlaya ayuu carrabka ku adkeeyay asiga o oleh “Si fudud naloogama soo qaadi karo wax aan jirin.”
Redwaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in marka la eego Soomaaliya ay Itoobiyaanku yihiin kuwa wax badan ku bixinay ayaga oo aan wax lacag ah lagu siineyn, balse ay ku nool yihiin xasilloonidii ay ciidanka Itoobiyaanku dhaliyeen muddo tobanaan sano ah.
“Haddii ay caadi ahayd in dhulka Soomaaliada lagu dhinto si loo badbaadiyo Soomaaliya, maxay dhib u noqoneysaa in aan badda galangal u yeelanno? “Waxaa jira wax aan aad loo fahmi karin. Waa wax lala yaabo inay ka cabanayaan, sababtoo ah waxaan ku dhownahay in aan badda galangal u yeelanno. Waxaa jirta arrin ay tahay inaan ka heshiinno.”
Isaga oo ka hadlayay qaabka waddamo badan oo aan bad lahayn ay bad ku raadsadaan si nabad ah ayaa waxa uu ku macneeyay in aysan waddamadaas badbaadoodu ku xirneyn in ay bad helaan laakiin ay Itoobiya badbaadoodu ku xirantahay in ay Bad helaan.
“Ma noolaan karno ilaa aan wax uun galangal ah u helno saldhiggan. Waa midda aan ku badbaadi karno, iyo inaan awoodno inaan si wanagsan uga qayb qaadanno nabadda iyo amniga gobolka. Taasi ma ahan wax la iska indhotiri karo.
Redwan waxa uu xusay in Is-afgaradkii dhawaan dhacay ee Itoobiya loogu oggolaaday in ay Badda Cas ku hesho heshiis kiro ah uu ahaa mid la filan karay.
Qofna dhulkiisa kama qaadanayno. Waxa aanu kiraysanaynaa dhul sida qof kasta oo Somaliland ah. Kaligeenna maahee, waxa jira wadamo hore u lahaa saldhigyo; iyo kuwo kale oo saf ugu jira inay Somaliland soo galaan.”