Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa walaac si dadban uga muujisay heshiiskii dhanka Difaaca ahaa ee dhowaan ay wadagaleen Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, Addis Ababa ayaa u aragtay culeys kale oo kusoo kordhay.
Itoobiya ayaa colaad waxa ay kala dhaxeysa Soomaaliya oo ay ku xadgudubtay kaddib markii ay shaacisay heshiis meel ka dhac ku ah midnimada, wadajirka iyo Madaxbannaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Addis Ababa waxa ay dhowr jeer is qabteen Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ay isku hayaan isticmaalka Biyaha Nile, Itoobiya ayaa ku dhaqaaqday qorshe ay ku dhiseyso Biyo Xireen kaas oo dhibaato ku ah dhanka Xukuumadda Qaahira.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Nebiyu Tedla oo si dadban uga hadlay heshiiskaas ayaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dhinac weliba oo daneynaya xasiloonida Geeska Afrika usoo jeediyay in laga fiirsado qorshaha cusub ee ciidanka nabad ilaalinta.
Nebiyu ayaa is lahaysiiyay awoodda go’aanka Qaramada Midoobay maadaama Dowladdiisu ay ku doodeyso in ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya qaybna ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS isla markaana Xuduud ay la wadaagaan, waxna laga weydiin karo xaaladdu sida ay tahay.
Waxa uu soo jeediyay in dalalka ku yaboohay ciidamada Afrikaanka ah lagu tixgeliyo mar haddii la doonayo in wax laga baddelo howlgalkaan socda ee ku siman dhammaadka sanadkaan 2024 sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Nebiyu Tedla.
Dib ayuu usoo faagay hadallada xanafta leh ee dhaawaca xooggan gaarsiiyay xiriirkii Muqdisho iyo Addis Ababa isaga oo ku celiyay in Itoobiya ay dooneyso siina wadi doonto dedaallada ay ku xaqiijineyso in ay hesho marin-badeed la isku halleyn karo sida uu hadalka u dhigay.