Dowladda Itoobiya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay eedeynta ay u jeedisay Soomaaliya, kadib dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ay ka qayb-qaateen ciidamada Itoobiya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in eedeyntan ay Soomaaliya uga gol leedahay in aan xariirka la wanaajin, ayna jirto gacan 3-aad oo daganaanta Geeska Afrika diidan, oo la rumeysan yahay inay kala jeedo dowladda Masar.
“Eedeyntan run maaha. Dhacdadan waxaa billaabay dhinacyo gaar ah oo doonayo in ay wiiqaan caadiyeynta xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Dhinacyadan saddexaad ayaa damacsan inay khalkhal galiyaan xasilloonida Geeska Afrika, waana qaswadayaasha joogtada ah ee nabadda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya.
Itoobiya iyo Masar ayaa maanta hadallo ad adag hawada isku mariyey, waxayna Qaahira sheegtay in marnaba Itoobiya aan loo ogolaan doonin Badda Cas, xilli uu goobtaas ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi oo booqasho ku jooga Qaahira.
Dhinaca kale waxaa jira kulan kale oo dhex-maray wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo dhiggiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, iyaga oo yeeshay wada-hadallo laba geesood ah.
Labada wasiir ayaa isla soo qaaday dagaalkii Doolow, wuxuuna Cali Balcad u gudbiyay Itoobiya cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay dhacay ay ka qayb qaateen ciidamadooda.
Dhankiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, ayaa sheegay inay sameynaayaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Addis Ababa ay ka bilowdeen wada-hadallo u dhexeeyo Somalia iyo Itoobiya oo lagu sii amba qaadayo heshiiskii lagu gaaray Ankara.