Israaβiil ayaa u yeertay safiirka u fadhiyey Brazil kaddib markii Madaxweyne Lula uu weerarka Israaβiil ee Gaza barbar dhigay xasuuqii Holocaust ee naasigii Jarmalku kula kacay Yuhuuda.
Madaxweynaha Brazil Luiz Lula da Silva ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay shirkii madaxda dalalka Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Israaβiil ayaa sheegtay inay u yeerayso safiirka Brazil u jooga dalkeeda hadal ay ku sheegtay βwax laga xishoodo oo halis ahβ oo ka soo yeedhay madaxweynaha Brazil.
Isagoo ka hadlayay horraantii Axadda ee shir madaxeedka Midowga Afrika, Lula ayaa ku tilmaamay duullaanka Israaβiil ee marinka Qaza βxasuuq bahalnimo ahβ.
βWaxa ka socda marinka Qaza ee ay kula jiraan dadka reer Falastiin Β waa wax aflagaado ku ah taariikhda casriga ah, runtii wuxuu ka mid yahay xasuuqii Hitler ku laayey Yuhuudda,β ayuu yiri.
Raβiisul wasaaraha Israaβiil Benjamin Netanyahu ayaa dhaleeceeyey hadalkaas
βWuxuu isku dayayaa inuu waxyeello u geysto dadka Yuhuudda ah iyo xaqa ay Israaβiil u leedahay inay isdifaacdo,β ayuu yiri
βIsraaβiil waxa ay u dagaalantaa difaaceeda iyo in ay sugto mustaqbalkeeda ilaa ay ka gaarto guul dhameystiran, waxaana ay sidaas ku dhaqaaqdaa iyadoo ilaalinaysa sharciga caalamiga ahβayuu sii raaciyay.
Wasiirka difaaca Israaβiil Yoav Gallant ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas ka dib qoraal uu soo dhigay bartiisa X.
Israaβiil ayaa ballan qaaday inaysan joojin doonin ololaha ay ka waddo Qaza ilaa Xamaas la burburiyo, lagana sii daayo dhammaan la haystayaasha kooxda, kaddib weerarradii ay ku qaadday Israaβiil 7-dii Oktoobar.

