Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo markii u horreysay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa sheegay iney awood buuxda u leeyihiin weerar ay ku qaadaan Israel aysana jirin cid ka hor joogsan karta.
“Sidii aan gudaha u galnay Karabakh iyo Liibiya, waxaan awoodnaa inan ku sameyno Israa’iil, Wax aynaan samayn karin ma jiraan. Kaliya waa inaan xoog yeelanaa.” ayuu yiri Erdogan
Kaddib markii Madaxweynaha Turkiga , Erdogan uu ku hanjabay inay weerarri karaan Israa’iil, waxaa hadal hanjabaad ah ugu jawaabay Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil oo bartiisa X ku baahiyay sawirka Erdogan iyo Saddaam Xuseen oo uu ku soo dul qoray.
“Erdogan ayaa raacay waddadii Saddaam Xuseen, wuxuuna ku hanjabay inuu weerari doono Israa’iil. Kaliya ha xasuusto wixii dhacay iyo sidii ay ku dhammaatay.” ayuu yiri Wasiirka
Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid ayaa isna yiri “Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale qaylinaya, Erdogan wuxuu khatar ku yahay bariga dhexe. Caalamka, gaar ahaan xubnaha NATO, waa inay si adag u cambaareeyaan hanjabaadiisa foosha xun ee ka dhanka ah Israa’iil. Waa inay ku qasbaan inuu joojiyo taageeradiisa Xamaas, Ma aqbali doono hanjabaad ka timaada kaligii taliye.” ayuu intaas ku daray.