Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Israa’iil oo war ka soo saartay maxaabiistii ay Xamaas qafaalatay

    Israa’iil oo war ka soo saartay maxaabiistii ay Xamaas qafaalatay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 4, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey dhimashada afar qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii Xamaas qafaasheen 7-dii October.

    Dadkan oo sida la sheegay ku geertiyoodey deegaanka Khan Younis ee koonfurta Gaza, ayey Israa’iil sheegtay in meydadkooda ay weli gacanta ku hayaan kooxaha hubeysan.

    Raggan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Nadav Popplewell oo haysta dhalashooyinka Biritan iyo Israa’iil oo 51 jir ah, Chaim Peri oo 79 jir ah, Yoram Metzger oo 80 jir ah iyo Amiram Cooper oo 85 jir ah.

    Afhayeenka IDF Daniel Hagari ayaa sheegay in sahan sirdoon oo la aruuriyay todobaadyadii la soo dhaafay ay horseedeen qiimeynta.

    “Waxaan qiimeyneynaa in afar ka mid ah la dilay xilli ay wada joogeen deegaanka Khan Younis, intii uu socday howlgallada ka dhanka ah Xamaas,” ayuu yiri, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Bishii hore, Xamaas waxay sheegtay in Nadav Popplewell uu ku dhintay weerar ay Israa’iil qaadday bishii Abriil. Wasaaradda arrimaha dibadda ee UK ayaa sheegtay in ay baarayso, balse ilaa hadda ma jiro wax xaqiijin ah oo ku saabsan dhimashadiisa.

    Xamaas ayaa soo saartay muuqaal muujinaya saddexda nin ee kale bishii December.

    Dhammaan afarta qof ayaa laga qafaashay deeganaka kibbutz (kiibootis) oo u dhow Marinka Qaza 7dii Oktoobar.

    Yoram Metzger iyo Amiram Cooper

    XIGASHADA SAWIRKA,FAMILY HANDOUT

    Qoraalka sawirka,RW israel Benjamin natenyahu ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan soo celinta la haysatayaasha.

    War qoraal ah oo ay soo saareen golaha la haystayaasha iyo qoysaska maqan, ayaa qaraabadu waxay ku sheegeen in wararka dhimashada raggan ay tahay inay “u horseedaan hoggaamiye kasta inuu naftiisa raadiyo”.

    Bayaanka ayaa intaa ku daray: “Chaim, Yoram, Amiram, iyo Nadav waa la afduubay iyagoo nool, qaar ka mid ah waxay la socdeen la haystayaal kale oo ku soo laabtay heshiiskii hore – waxayna ahayd inay iyagoo nool ku laabtaan dalkooda iyo qoysaskooda.”

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Cameron ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oroan jiray tiwter waxaa uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay in uu maqlay geerida Nadav Popplewell..

    Nadav Popplewell ayaa laga afduubtay gurigiisa isaga iyo hooyadiis, taasoo ugu dambeyntii la sii daayay. Walaalkiis Roy ayaa lagu dilay weerarka.

    RW israel Benjamin natenyahu ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan soo celinta la haysatayaasha.

    “Waxaan adeegsaneynaa waddooyin badan si aan dib ugu soo celino la haysteyaasheenna. Mar walba waxaan ka fekeraa dhibka haysta iyaga iyo qoysaskooda. Waana taas sababta ay intan noogu qadatay in aan soo guryocelinno. Haddana taas oo jirta, waxaan mar walba maanka ku haynay ulajeeddooyinka dagaalka aan u galnay oo ahaa in aan Xamaas ciribtirno. Labadaas ujeeddana midna kama tanaasuleyno,m waayo dhammaantod waxay qayb ka yihiin qorshaha. Tanina ma ahan mowqif cusub oo la xiriira cadaadis iiga imaanaya xulufada, laakiin waa mid ay ka mideysan yihiin Golaha Xukuumadda Dagaalka.”

    Xamaas ayaa dishay ilaa 1,200 oo qof 251 kalena way qafaasheen intii ay ku guda jireen weeraradii ay ku qaadeen koonfurta Israel, sida ay sheegeen maamulka Israel.

    Kooxdu waxay sii daysay 105 qof oo rayid ah intii lagu jiray xabbad joojin toddobaad socotay bishii November.

    Ilaa 120 qof oo la qafaashay ayaan weli la ogeyn halka ay ku dambeeyeen. Saraakiisha Israel ayaa sheegay in qaar badan loo malaynayo inay dhinteen.

    Israa’iil ayaa billowday olole millatari oo ay ku burburinayso Xamaas iyadoo ka jawaabaysa weerarka xudduudaha laga soo gudbay.

    Shacabka Israa'iil oo dalbanaya in la soo daayo maxaabiista

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Qoraalka sawirka,Shacabka Israa’iil oo dalbanaya in la soo daayo maxaabiista

    Ugu yaraan 36,470 qof ayaa lagu dilay Gaza ku dhawaad siddeed bilood oo dagaal ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

    Dhanka kale rajo buuran kama muuqato waanwaanta la doonayo in lagu qaboojiso dagaalka qasa oo la gaaro xabad joojin.

    Iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska Israa’iil iyo Xamaas lagu hayo in ay ku heshiiyaan hindise xabbad-joojin ah oo Qaza ah oo uu soo bandhigay madaxweyne Biden, dagaalka ayaa ka sii socday inta badan dhulkaas. Milatariga Israel ayaa sheegay in ay duqeeyeen in ka badan 30 bartilmaameed oo Xamaas ah oo ku yaalla Gaza.

    Qaar badan oo ka mid ah kuwan ayaa ku sugnaa deegaanka Rafah, inkastoo ay weli walaac ka muujinayaan dadka rayidka ah ee halkaasi ku gabaadsanaya. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israel ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen dhismayaal ku yaala bartamaha magaalada.

    Waxaa sidoo kale duqeymo cirka ah ka dhacay saddex degmo oo ka tirsan magaalada Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegtay in ugu yaraan lixdan Falastiiniyiin ah la dilay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay. Wareysi uu siiyay barnaamijka toddobaadka ee ABC, Lataliyaha dhanka Isgaarsiinta ee Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa rajo ka muujiyay in heshiis laga gaaro soo jeedinta xabbad joojinta si dhakhso ah.

    “Waa hindise Israa’iil, kaas oo yimid ka dib dadaal dublomaasiyadeed oo aad u xeeldheer oo ay isla soo gorfeeyeen kooxda amniga u qaabishan Wasaaraddeenna Arrimaha Dibedda. Hadda waxaanu joognaa in hindisihaas lala wadaagey Xamaas, waxaana sugeynaa jawaab rasmi ah oo Xamaas ka timaadda.”

    John Kirby ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Xamaas ay si guud u soo dhaweeyeen hindisahan. Sidaas darteed waxa uu yiri waxaan Xamaas ka rajeyneynaa in ay ogolaadaan in si dhakhsiyo leh loo billaabo hirgelinta wajiga koobaad.

    “Wajiga koobaadna wuxuu saamaxayaa in sii deynta xoogaa maxaabiis ah, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dadka da’da ah. Sidoo kale in la abuuro jawi nabdoon oo looga jafjafto dagaalkii socdey 6 todobaad, islamarkaana la dardargeliyo gargaarka bini’aadanimo ee soo galaya dhulka looga baahan yahay. Waxaana intaas hareer sicda wadahallo dhexmaraya labada dhinac, si ay uga wadaxaajoodaan waxa uu noqonayo wajiga labaad iyo halka wax laga billaabayo,” ayuu intaas ku daray.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.