Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

    May 10, 2025

    Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

    May 10, 2025

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025

      Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

      May 10, 2025

      Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

      May 9, 2025

      Kacdoon lamid ah kii Laascaanood oo looga dhawaaqay Baladweyne .

      May 9, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025

      Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

      May 9, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025

      Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

      May 10, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Israa’iil oo sheegtay inay Lubnaan ku qaadday weerar dhanka dhulka ah

    Israa’iil oo sheegtay inay Lubnaan ku qaadday weerar dhanka dhulka ah

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comOctober 1, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Israa’iil ayaa sheegtay in ay qaaday weerar dhulka ah oo xaddidan oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xisbullah ee Lubnaan.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid xaddidan, waxaana lagu taageeray duqeymo iyo madaafiic.

    War saxaafadeedkeeda ayaa lagu sheegay in ay Israa’iil Xisbullah ku beegsatay “tuulooyinka u dhow xadka” Israa’iil.

    Mid ka mid ah duqeymaha ayaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay xero weyn oo ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah taas oo u dhow Sidon oo ku taalla koonfurta Lubnaan.

    Hawgalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Wasiirka difaaca Israa’iil uu shalay wacad ku maray in ciidankoodu ay qaadi doonaan duulaan dhulka ah oo ay ku qaadaan koonfurta Lubnaan. Waxa uu sheegay in ciidamada ku sugan xuduuda ay isticmaali doonaan xoog oo dhanka cirka, dhulka iyo badda si ay ugu oggolaadaan dadka Israa’iil ee barakacay inay ku laabtaan guryahoodii.

    Balse dhanka kale waxaa ka jawaab ceiyay Ku xigeenka hogaamiyaha Xisbullah kaas oo sheegay in dagaalyahanada kooxdu ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan duulaanka Israa’iil.

    Khudbaddiisii ugu horreysay ee xubin sare oo ka tirsan Xisbullah tan iyo markii la dilay hogaamiyahooda Jimcihii, Naciim Qasem wuxuu sheegay in Xisbullah ay u diyaar-garowday duulaan dhulka ah oo dhanka Israa’iil kaga yimaadaa.

    Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa isna ku dhawaaqay in ciidamada dalkaasi ay sidoo kale diyaar u yihiin inay difaacdaan aagga xadka haddii loo baahdo.

    Dhanka kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa dhiggiisa Israa’iil Yoav Gallant, ku taageeray, ujeeddooyinka duulaanka dhulka ee Lubnaan.

    Xigashada Sawirka,Reuters

    Qoraalka sawirka,Dhanka kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa dhiggiisa Israa’iil Yoav Gallant, ku taageeray, ujeeddooyinka duulaanka dhulka ee Lubnaan.

    Dhanka kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa dhiggiisa Israa’iil Yoav Gallant, ku taageeray, ujeeddooyinka duulaanka dhulka ee Lubnaan.

    Waaxda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in labada nin ay ku heshiiyeen baahida loo qabo in la burburiyo kaabayaasha weerarka ee xuduuda Israa’iil iyo Lubnaan.

    Waxay intaas ku dartay in ujeeddadu ay tahay in la hubiyo in Xisbullah aysan qaadi karin weerarro qaabeysan oo ka dhaca waqooyiga kuwaas oo la mid ah kuwii 7-dii October ay Xamaas ku qaadday Israa’iil.

    Bayaankeeda ayaa lagu sheegay in Lloyd uu carrabka ku adkeeyay inay jiri doonto wax uu ugu yeeray cawaaqib xumada Iran hadii ay qaado weerar militari oo toos ah oo ka dhan ah Israa’iil.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la gaaro qaraar diblumaasiyadeed si loo xaqiijiyo in dadka rayidka ah ay si nabad ah ugu soo laabtaan guryahoodii ku yaalay labada dhinac ee xadka.

    Hadalkiisa la xiriira Iran ayaa imanaya iyadoo ay Iran sheegtay in weerarrada Israa’iil ee Lubnaan iyo dhulka Falastiiniyiinta aysan noqon doonin mid jawaab la’aan ah.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Naasir Kanani ayaa u sheegay wariyeyaasha Tehraan in Iran aysan doonayn dagaal, balse aysan ka waaban doonin in ay u dhaqaaqdo difaaceeda nafteeda iyo danaheeda.

    Mar sii horreysay, duqeymo xagga cirka ah ayaa ka dhacay xaafad ku taal koonfurta Beirut.

    Xigashada Sawirka,Reuters

    Qoraalka sawirka,Mar sii horreysay, duqeymo xagga cirka ah ayaa ka dhacay xaafad ku taal koonfurta Beirut.

    Mar sii horreysay, duqeymo xagga cirka ah ayaa ka dhacay xaafad ku taal koonfurta Beirut, ka dib markii militariga Israa’iil ay uga digeen dadka ku dhaqan halkaasi inay isaga guuraan.

    Milateriga Israa’iil ayaa dhinaca kale sheegay in 35 gantaal laga soo riday Lubnaan oo ku dhacay waqooyiga Israa’iil saaka – qaarkood waa la qabtay, qaarna waxay ku dhaceen meelo bannaan. Waa sida ay hadalka u dhigeenne.

    Israa’iil waxay dharbaaxo isdaba joog ah ku dhufutay Hezbollah labadii toddobaad ee la soo dhaafay, laakiin duulaanka dhulka ee sidan oo kale ah waa nooc ka duwan dagaal, oo khataro cusub ku ah ciidamada Israa’iil iyo xasilloonida gobolka, iyo sidoo kale Lubnaan lafteeda, ayay yiri Lucy Williamson oo BBC-da uga soo warranta Waqooyiga Israa’iil.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025

    DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

    May 9, 2025

    Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

    May 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

    May 10, 2025

    Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

    May 10, 2025

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.