Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Israaiil oo ku goodisay in ay qaadayso tallaab ka dhan ah Spain si aanay Madrid u aqoonsan Falastiin.

    Israaiil oo ku goodisay in ay qaadayso tallaab ka dhan ah Spain si aanay Madrid u aqoonsan Falastiin.

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 24, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz ayaa Jimcihii sheegay in uu go’aansaday in uu “jaro xiriirka” ka dhexeeya ergada diblomaasiyadeed ee Spain iyo Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, sababo la xiriira aqoonsiga Madrid ee Dowladda Falastiin.

    “Waxaan go’aansaday inaan jaro xiriirka ka dhexeeya wakiilada Spain ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, iyo in aan ka mamnuuco qunsuliyadda Spain ee Qudus in ay adeegyo siiso Falastiiniyiinta ka imanaya Daanta Galbeed,” Katz ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

    Illaa hadda ma cadda sida ay Israa’iil u fulin doonto hanjabaaddan.

    Mar ay wakaaladda wararka ee AFP wax ka weydiisay wax-ku-oolnimada iyo cawaaqibka ka dhalan kara go’aanka Katz, wasaaradda arrimaha dibedda Spain si deg deg ah ugama jawaabin.

    Katz waxa uu sheegay in go’aankiisa uu ahaa mid “jawaab u ah aqoonsiga Spain ee Dowladda Falastiin iyo baaqii Yahuud naceybka ee ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Spain ee ahaa… ‘in la xoreeyo Falastiin webiga ilaa badda’”.

    Spain, Ireland iyo Norway ayaa Arbacadii ku dhowaaqay go’aan ay ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiin 28-ka bishan May, taasi oo dhalisay carada Israel.

    Xukuumadda Israa’iil ayaa dhalleecaysay tallaabadan kuna sheegtay “abaal-marinta argagixisada” iyadoo dagaalka Marinka Gaza, oo ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii October, uu ku dhow yahay bishii siddeedaad.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa Khamiistii ka digtay in xiriirka Israel ee Ireland, Norway iyo Spain uu wajihi doono “cawaaqib xun.”

    Katz ayaa qoraalkiisii Jimcaha ku cambaareeyey qoraal ay X soo dhigtay wasiirka shaqaalaha Spain, kana tirsan xisbiga bidixda fog, Yolanda Diaz, taasi oo ah qofka saddexaad ee ugu sarreeya dowladda Spain.

    Ayada oo soo dhaweynaysa ku dhawaaqista aqoonsiga rasmiga ah ee Dowlad Falastiin, Diaz ayaa tiri: “halkan kuma ekaan karno. Falastiin waxay noqon doontaa xor, laga billaabo webiga ilaa badda.”

    Oraahadan lagu taageero Falastiin ayaa loola jeedaa xuduudaha taariikhiga ah ee Falastiin ee gumaystihii Britain, taasi oo teedsan laga soo billaabo webiga Jordan illaa badda Meditareeniyaanka, ka hor inta aan la aas-aasin Israel 1948-kii.

    Dadka dhaliila oraahdan ayaa ku macneeya in loola jeedo baabi’inta Israel.

    Oraahadan “webiga illaa badda” ayaa waxaa mararka qaar loo adeegsadaa hal ku dhig Sahyuuniyad oo lagu doonayo Israel ballaaran oo teedsan isla dhulkaas.

    Isha: VOA SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.