Ciidamada Israaiil qaybahooda kala duwan oo ka qaybgalaya dagaalka tooska ah ay ku qaadeen Xaafadha kala duwan ee Magaalada Gaza ayaa 6 bil kaddib taagan quus iyo niyad-jab wayn maadaama ay ku guuldaraysteen soo furashada Maxaabiista laga qabsaday 7dii Oktoobar 2023.
Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa horay waqti ahaan u qaatay Bilihii Deseembar, Janaayo iyo Febaraayo si uu guullo muhiim u ah uga gaaro dagaallada ay dhinac socdaan qorshaha soo furashada Maxaabiista la haysto balse guul kama keenin.
Maraykanka ayaa marka laga eego dhinaca kale waxa uu ka macaashay ama uu faaiido ka helay duullaankaan mar haddii Israaiil uu ka iibinayo ama uu dayn ku siinayo Maraakiib, Gantaallo casri ah iyo hub kale oo aanay horay loo siin Dal kale.
Cadaadiska ugu wayn ee Netanyahu saaran waa mar haddii uu ku guuldaraystay soo furashada Maxaabiista sidaas awgeed ehelka Dadkooda la haysto ayaa kordhiyay dibadbaxyada ay ku dalbanayaan soo dayntooda sida wadahadal la galo.