Waxaa falanqayn badan laga sameeyay hadalka kasoo yeeray Maraykanka ee la xiriira in Israaiil ay ka diiday in ay ka joogsato ama ka baaqsato howlgalka Militari ay doonayso in ay ka fuliso Rarax oo gabbaad u ah Dad badan oo halkaas ku nool.
Warbaahinta Gudaha Maraykanka iyo Tan Israaiil ka howlgasha ayaa si cad u sheegay in Xukuumadda Benjamin Netanyahu gaar ahaan Wasiirrada katirsan Yuhuudda Madaxa adag ay diideen joojinta duullaankaas.
Waxa ay intaas ku sii dareen in diidmadaas ay tahay mid ay isku wada ogyihiin labada dhinac isla markaana Xukuumadda Washington ay doonayso haddii khalad uu ka yimaado howlgalkaas ay dhinac isaga leexiso maadaama ay hubka ku gacansiinayso Yuhuudda.
Waxaa intaas dheer in Maraykanka uu dhowr jeer isku dayay in uu sameeyo hadallo uu ku indha-sarcaadinaya caalamka oo ah in uu Israaiil kala hadlay raadinta Xabbad-joojinta iyo wadahadalka inkasta oo markii la isku soo dhowaaday uu diiday shuruudaha dhinaca Xamaas.
Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa dhowaan sheegtay in ay Israaiil ka iibisay sidoo kalena dayn iyo deeq ku siisay hub casri ah oo Dalkaas ku kooban si ay isaga difaacdo culayska uga imaanaya dhaqdhaqaaqa Xamaas sida hadalka loo dhigay.
Haddaba, Israaiil oo hubka ka helayso Maraykanka miyay leedahay awood ay ku diido go’aanka Xukuumadda Washington?