Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

    June 22, 2025

    DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

    June 22, 2025

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Iskuulka ay ardaydu maamulaan isla markaana shaqaaleysiiyaan macallimiintooda

    Iskuulka ay ardaydu maamulaan isla markaana shaqaaleysiiyaan macallimiintooda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 21, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Markay 150-ka arday ee wax ka barata dugsiga xannaanada ah ee Mecchai Pattana ee dalka Thailand ay dhammeeyaan cunista cunnadooda, waxay soo galaan saf dheer si ay u nadiifiyaan weelasha iyo alaabaha ay wax ku cunaan.

    Caadi ahaan, laba ka mid ah ardayda waaweyn (wiil iyo gabadh wakhtiga booqashadii William Kremer ee barnaamijka BBC People Fixing the World) waxay kormeeraan in saxamada ardaydooda si fiican loo nadiifiyay.

    Sida laga soo xigtay Kremer, kormeerayaashu waxay noqon karaan kuwo aan naxariis lahayn ama ardayda ciqaaba haddii si nadiif ah u shaqeyn waayaan.

    “Dugsigu wuxuu leeyahay 10 guddi-hoosaad ah, ardayduna waxay dooran karaan inay ku biiraan cid kasta oo xiisaynaysa,” Kramer ayaa yiri.”

    Beddelka nidaamka

    “Dugsigani siyaabaha qaar waa mid caadi ah, laakiin kuwa kale waa xagjir,” ayuu yiri William Kremer, weriyaha BBC.

    “Tusaale ahaan, dugsigu wuxuu raacayaa manhajka qaranka ee Thailand, dhammaan ardayda ka qalin-jabisana waxay galaan imtixaanada qaran, isla markaana arday kastaa waa inuu buuxiyaa 2 saacadood oo adeega bulshada ah todobaadkii.”

    Laakiin fikradda layaabka leh ayaa ah in ardaydu ay yihiin kuwa maamulaya dugsigooda, ayuu yiri Kremer.

    “Waxaa laga yaabaa inaad u maleyneyso in carruurta inay maamulaan dugsi ay la mid tahay dembiilayaasha inay maamulaan xabsiga: fowdo ayaa ugu dambeyntii iman doonta.”

    “Laakin Dugsiga Bamboo waa mid ay mamnuuc ka tahay fowdada.

     

    In kasta oo dhammaan go’aannada guddi-hoosaadyadu ay noqdaan kuwo loo raaco oggolaanshaha maamulayaasha dugsiga, haddana muhiimaddu waa in ardayda codkooda laga siiyo arrimaha sida tooska ah u taabanaya, sida tayada macallimiinta ama adeegyada ay bixiso hay’addu.

    “safarka” guddiyada

    Si loo fahmo sida guddi-hoosaadyadu u shaqeeyaan, Kremer wuxuu ku bilaabay waraysiga arday 17 jir ah, oo xubin ka ah guddi-hoosaadka xisaabinta.

    Shaqadoodu waa inay si taxadar leh dib u eegis ugu sameeyaan iibka ay sameeyeen xubnaha guddi-hoosaadka wax iibsiga – koox arday ah, oo ay weheliyaan xubin maamulka dugsiga iyo darawal, si ay u iibsadaan cuntada 150 ardayda dugsiga hoyga ah kadib marka ay kasoo dejiyeen gaariga.

    Gabadha da’da yar ayaa dib u eegis ku sameyneysay liiska qiimaha markii ay u sheegtay Kremer waxa ay shaqadani tahay: “Mar walba waxaan xiisayn jiray xisaabaadka, sidaas darteed waan ku farxay markaan si dhab ah u sameeyo waxyaabaha uu dugsigu runtii iibsanayo.”

    Arday

    XIGASHADA SAWIRKA,MECCAI PATTANA SCHOOL

    Guddi-hoosaadyada kale ee xiisaha leh waa guddi-hoosaadka oggolaanshaha, oo u xilsaaran qeexida haddii ardayda cusub iyo macallimiinta cusubi ay kusoo biirayaan dugsiga Bamboo.

    Kremer waxa kale oo uu awooday in uu ka qayb galo waraysiga ay qaadeen kooxdan ardayda ah oo ay weheliyaan laba macalin – si ay u tixgeliyaan ogolaanshaha wiil 15 jir ah dugsiga Bamboo.

    “Ardaydu waxay isu beddeleen inay su’aalo ku weydiiyaan jawi diiran. Guddi kasta oo oggolaanshaha ayaa ka kooban lix arday iyo laba macallin. Dhammaan ra’yiga waxaa loo qaataa si isku mid ah,” ayuu yiri Kremer, kadib markii uu arkay in wiilka la siiyay boos uu ka helo dugsiga.

    Markii uu wareystay mid ka mid ah xubnaha guddiga wareysiga ogolaanshaha, ardaygu wuxuu u sharaxay Kremer waxa soo jiitay dareenkiisa wiilka cusub.

    “Ardaygu waxa uu dalbanayaa in uu galo fasalka siddeedaad, waalidkii waxa ay ka shaqeeyaan warshadda, waxa ay degan yihiin guryo ay warshaddu bixiso, sababtaas awgeed, fursad uma helin in uu dibadda wax ka barto,” ayuu yiri.

    Caawinta dad badan

    Maadaama dugsiga Bamboo uusan lacag ka qaadin ardayga si uu u galo, qaar badan oo ka mid ah ayaa ka yimid qoysas dakhligoodu hooseeyo.

    Kim waxa ay inta badan caruurnimadeedii ku qaadatay xarunta agoonta, kadib markii waalidkeed oo u kala dhashay Myanmar iyo Cambodia ay ka tageen markii ay ilmaha yar ahayd.

    Dhalashada waalidkeed ayaa ka hor istaageysa in loo diwaan galiyo dhalasho Thailand ah.

    Arday

    XIGASHADA SAWIRKA,MECCAI PATTANA SCHOOL

    “Mar walba waxaan dareemayay wax aad u kala duwan, waxaan rumaysnaa in asxaabtayda ay iga fiicnaayeen sababtoo ah waxay ahaayeen muwaadiniin Thai ah mana aanan ahayn. Halkan hadda kuma dareemayo sidaas, waxay i soo dhaweeyeen”.

    Dimuqraadiyad iyo kala sarreynta

    Go’aamada ay gaaraan guddi-hoosaadyada waa in ugu dambeyntii ay ansixiyaan Guddiga Ardayda iyo, dabcan, hoggaanka dugsiga.

    Laakin waa go’aano halis ah: guddigu waxa uu ku heshiiyey ciqaabo aad u daran sida in ardayda laga saaro guddi-hoosaadka, ka joojinta ku meel gaarka ah ee ardayda dugsiga, ama xataa cayrinta ardayda fasallada qaarkood.

    Waana meesha ay ardaydu ku gartaan xaddidaaddooda.

    Kremer waxa uu la hadlay guddoomiyaha guddiga ardayda, isaga oo u sheegay in ay ku qasbanaadeen in ay kala tashadaan qaar ka mid ah go’aannada muranka dhaliyay: “Mararka qaar waa in aan la hadalnaa macallimiinta sababtoo ah way naga khibrad badan yihiin oo way naga weyn yihiin oo waxay barteen wax badan oo ka mid ah macalimiintooda ayaa ku nool waayihii hore.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

    June 22, 2025

    DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

    June 22, 2025

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

    June 22, 2025

    DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

    June 22, 2025

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.