Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Hiiraan mudane Hassan Axmed Barkhadle
Ayaa soo dhaweeyey Madax ka kala socotay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Dowladda Hirshabeelle iyo mida Dowladda Federaalka
Saraakiil ka socotay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu Hogaaminayo mareeyaha mashruuca damal cafimaad ee dowlada Hirshabeelle Mudane ahmed Sheikh Ali oo safar shaqo ku joogaan Magaaladda Baladweyne ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayaa Kormeeray Cisbitaalka guud ee gobolka Hiiraan oo kamid ah goobaha laga hirgaliyay Mashruuca Damal Caafimaad.
Mashruuca Damal Caafimaad ee Gobolka Hiiraan wuxuu ka shaqeeya 5-ta degmo ee Gobolka hiiraan, iyo dhamaan tuulooyinka Gobolka, bisha April kaliya waxaa mashruuca ka faideystay ku dhawaad 100,000 oo qof oo bukaan ah, sidoo kale mashruuca wuxuu shaqaaleysiiyay 400 oo shaqaale Caafimad ah oo isugu jira Dhaqaatiir, Umulisooyin iyo kalkaaliyaal Caafimaad, qorshuhu wuxuu yahay in bisha July ee sanadkan mashruucu howl geliyo 60 xarumo Caafimad oo isugu jira Isbitaalada degmooyinka iyo xarumaha Caafimaad ee tuulooyinka Gobolka hiiraan.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Hirshabeelle Federaalka Waxaa ka go’an daadajinta adeegga Caafimaadka iyadoo si joogto ah loogula xisaabtamayo fuliyayaasha Mashaariicda Caafimaadka Hirshabelle.
Madaxdaasi ayaana dhawaan sidoo kale booqan doona degmooyinka gobolka Hiiraan oo Mashruuca Damal Caafimaad laga hirgalshay.