Isku-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Hiiraan Mudane Ciiloow Joobane Cawaale ayaa ku guuleestay in uu xalliyo tabashada aay qabeen Axmed Inji iyo Cabdicasiis Axmed Cadoow Jaaburi iyo Cabdiladhiif oo horay u sheegtay in aay uga mid ahaayeen maamulka kasoo horjeeda dowladda Hirshabelle.
Isku duwe Ciiloow Joobane ayaa Jaaburi iyo Inji iyo Cabdiladhiif maanta ka amba baxshay magaalada Beledweyne waxa aayna ku wajahanyihiin magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle si aay uga mid noqdaan nidaamka dowladda ee markii hore sida Sibiqda ah uga baxen,balse sida muuqata wax u dhaama soo waayeen.
Waa shaqadii ugu adkeyd ee masuul gobolka Hiiraan ah uu qabo waxaana aad loogu amaanay isku duwe Ciiloow Joobane Cawaale sida Seddaxdaasi masuul ugu soo jiiday dhanka nidaamka dowladda.