Isku-duwaha Wasaaradda Gar-gaarka iyo mareynta musiibooyinka gobolka Hiiraan Mudane Cabdisalaan Faarax Jaaburi (Daleel) ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa joojinta deeqaha gar-gaarka ah ee la leexsado.
Shirka waxaa ka qeybgalay Ururada bulshada sida Ganacsata Dhallinyarada Haweenka waxaa kale oo shirka ka qey galay madaxda ka socotay hay’adaha Samafalka ee gobolka Hiiraan ka howlgala.
Isku-duwaha Wasaaradda Gar-gaarka iyo mareynta musiibooyinka gobolka Hiiraan Mudane Cabdisalaan Faarax ayaa faray madaxda maamulka degmada Beledweyne in aay dhammaatay waqtigii Musuq-maasuqa wasaaradda gar-gaarka-ne aay qeybtinta iyo dabagalka gar-gaarka musuuliyad Qaran ka saarantahay si deeqaha bulshada loogu tala galay u gaaraan dadkii mudnaa.
Shirkan ayaa ka dhigan in uu dhammaaday waqtiga maamulka degmada Beledweyne lagu edeyn jiray musuq-masuqa gar-gaarka qeybaha bulshada ayaana durba aad usoo dhoweeyay in gar-gaarka gobolka Hiiraan soo gaara aay qeybtiisa kaalinteeda ka qaadato wasaaradda gar-gaarka oo aay masuul ka yihiin dad Aqoon leh isma markaana gacmo aaamin ah.