Isbitaalka Guud ee Degmada Buuloburte, ka hor burburkii dowaldnimada waxa uu ahaa cisbitaal weyn oo adeeg guud siiya dadweynaha degmada iyo deegaanada ku xeeran, waxaana ka howl geli jiray dhaqaatiir Soomaali iyo ajaanib isugu jirtay , kuwaas oo ay ku jireen dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo Maraykan ah.
Hase yeeshee isbitaalkii ay berisaamaadkii ka shaqeyn jireen dhaqaatiirta Maraykanka ah hadda waxa uu la daalaa dhacayaa dhaqaatiir la’aan.
Isbitaalka oo dhawaan lagu sameeyay dayactir ayaa waxa dhawaan la gaarsiiyay Qalab caafimaad oo kala duwan oo uu isbitaalku baahi weyn u qabay kuwaas oo ay ka mid yihiin sariiro casri ah, kuraasta dadka naafada ah, mashiinada Kelyaha sifeeya, dawooyin iyo qalab kale oo muhiim u ah isbitaalka, kuwaas oo cisbitaalka uu baahi weyn u qabay.
Isbitaalka Guud ee Degmada Buulaburde, ka hor burburkii dowaldnimada waxa uu ahaa cisbitaal weyn oo adeeg guud siiya dadweynaha degmada iyo deegaanada ku xeeran, waxaana ka howl geli jiray dhaqaatiir Soomaali iyo ajaanib isugu jirtay , kuwaas oo ay ku jireen dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo Maraykan ah.
Hase yeeshee isbitaalkii ay berisaamaadkii ka shaqeyn jireen dhaqaatiirta Maraykanka ah hadda waxa uu la daalaa dhacayaa dhaqaatiir la’aan.
Isbitaalka oo dhawaan lagu sameeyay dayactir ayaa waxa dhawaan la gaarsiiyay Qalab caafimaad oo kala duwan oo uu isbitaalku baahi weyn u qabay kuwaas oo ay ka mid yihiin sariiro casri ah, kuraasta dadka naafada ah, mashiinada Kelyaha sifeeya, dawooyin iyo qalab kale oo muhiim u ah isbitaalka, kuwaas oo cisbitaalka uu baahi weyn u qabay.
Qalabkan oo uu gaarsiiyay isbitaalka Degmada Buulaburde Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa BBCda uga warramay faahfaahinta qalabkan iyo halka uu ka yimid.
“Qalabkan waa qalab caafimaad oo leh qeybo kala duwan haddii ay ahaan lahaayeen sariiro koronto ku shaqeeya iyo mashiino kelyaha lagu sifeeyo, dawooyin, dharka bukaanada iyo qalab kale oo muhiim ah” ayuu yiri xildhibaan Macallimuu oo intaasi ku daray in qalabkaasi ay ka keeneen dalka Finland oo ay deeq ahaan ugasoo qaadeen.
Qalabka ayaa Markab lagu soo qaaday isagoo muddo 45 casho ah ku soo jiray badda, kadibna markii uu soo gaaray dekadda Muqdisho ayaa halkaasi gawaari looga soo qaaday oo lagu gaarsiiyay isbitaalka degmada Buulabarde.
“Magaalada oo ka mid ah magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee dalka waxa ay go’doon ahayd mudo shan iyo toban sano ah kadib markii ay Alshabaab ay go’doomiyeen, kuwaas oo u diiday in ay magaalada soo galaan wax adeeg ah, oo xitaa waxyaabaha sida qarsoodiga ah lagu soo geliyo haddii ay Alshabaab qabtaan gubi jireen” ayuu yiri xildhibaanka.
Inkasta oo isbitaalka la gaarsiiyay qalabkaasi muhiimka ah haddana dhaqaatiirtii ku shaqeyn lahayd, sida mashiinada keliyaha sifeeya isbitaalka ma joogaan.
Mar la weeydiiyay Xildhibaan Macalimuu haddiiba aysan isbitaalka joogin dhaqaatiirtii ku shaqeyn lahayd qalbkaasi sida mashiinada kelyaha sifeeya, qalabku muxuu ka tarayaa waqtigan cisbitaalka ayuu kaga jawaabay in dad leh aqoontaas caafimaad oo deegaanka u dhashay oo jooga Muqdisho iyo meelo kale, in ay kuwaasi ka codsan doonaa in ay deegaanka yimaadaan oo ay bixiyaan tababar ku saabsan qalabka kadibna sidaas loogu shaqeeyo.
Wuxuuna ugu baaqay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee waxbaratay, gaar ahaan kuwa deegaanka kasoo jeeda ee sida gaarka ah u shaqeeysta in ay waqti waqtiyadooda ka mid ah ay ugu yaraan ay lixdii biloodba 10 cisho ama laba toddobaad ay deegaanka ay kasoo jeedaan u huraan si ay faa’ido ugu noqoto, dadkiina ay tababar u helaan , isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo dadka kasoo jeedo gobolka Hiiraan in ay ka qeyb qaataan sidii uu isbitaalka u noqon lahaa mid dhameystiran.
Agaasimaha Isbitaalka Dr C/llaahi Maxamed Cabdi ayaa ka mahad celiyay deeqdan, wuxuuna sheegay inay wax ka qabaneyso baahiyaha ka jira xarumaha caafimaad ee isbitaalka. Waxa uu sidoo kale xusay in Isbitaalka ay ka jirtay qalab la’aan taasoo caqabad weyn ku ah howlahooda shaqo. Sidoo kale bulshada ku dhaqan degmada ayaa si weyn u soo dhaweeyay deeqdaasi caafimaad ee cibitaalka la gaarsiiyay.
Baahida kale ee Cisbitaalka
Isbitaalka ayaa qalabkan ka hor ahaa mid ay yaalaan oo kaliya afar sariirood, qalabkaasi la gaarsiiyay ayaana muhiim u ah cisbitaalka. Baahida kale ee isbitaalka haysata ayaa ah in uusan lahayn ambalaas dadka bukaanada ah lagu soo qaado.
Isbitaalka ayaa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah bishan gudaheeda qofkii ugu horreeyay lagu qalay sida uu BBCda u sheegay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu.
Baahiyaha kale ee ka jira degmada waxa ka mid ah in aysan degmadu lahayn , wax dab demis ah, iyada oo marka uu dab kaco booyado ay isticmaalaan ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmada inta tubooyin lagu xiro loo isticmaalo in dabka lagu demiyo, waddooyinka qaarkood soolaradii horey loogu sameeyay ma shaqeynayaan kadib markii ay cilladoobeen batiraydii ay ku shaqeynayeen.
Dhaqaatiirtii Maraykanka ahayd ee ka shqeyn jiray isbitaalka
Paul Marino oo ahaa kalkaaliye caafimaad oo u dhashay dalka Maraykan oo ka shaqeyn jiray isbitaalka Buulaburde intii u dhaxeysay 1986dii ilaa 1989kii, muddadaas oo ah seddex sano iyo bar.
Paul waxa uu bartay af soomaaliga intii uu joogay Buulaburde, waxaana loo bixiyay magac Soomaali ah, isaga oo ka hadlaya waayihiisii isbitaalka Buulaburde waxa uu sheegay in loo bixiyay Geedi Raage Rooble, isagoo sheegay in magacaas uu u bixiyay Islaw Xasan Guuleed oo waardiye ka ahaa isbitaalka laakin waxa uu sheegay in dukumintigiisa ay ugu qorantahay Paul Marino.
Wuxuu intaa ku daray in kaniisada Eastbrook ee dalka Maraykanka ay u soo dirtay isbitaalka Bulabarde .
Waxa uu sheegay oo kale in uu wax badan ka bartay intii uu joogay degmada oo ay ka mid yihiin dhaqanka, maahmaahyada iyo heesahaba, dadkuna ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen. Paul Marino hadda waxaa uu ku nool yahay gobolka Minnesota oo ay Soomaali badan ku nool yihiin, wuxuuna weli ka shaqeeyaa arrimaha caafimaadka.