Close Menu
    What's Hot

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» ‘Isaga oo nafyar ku jirto ayaan meesha ka soo qaadnay, saalada ayuu ku naf baxay’

    ‘Isaga oo nafyar ku jirto ayaan meesha ka soo qaadnay, saalada ayuu ku naf baxay’

    By radiohalgan.comFebruary 27, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa magaalada Galkacyo xalay lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo sida la sheegay in koox tuugo ah dishay, kaas oo ahaa iskuuleey.

    Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Rooble Xasan, waxaana xalay fiidkii lagu dilay magaalada Galkacyo.

    Wararka ayaa sheegaya in dilka wiilkan uu ka dambeeyay ka dib markii koox la sheegay in ay tuugo ahaayeen ay isku dayeen in taleefoonay ka qaataan, sida ay sheegeen booliska oo BBC da la wadaagay in ay baaritaan wadaan iyo ehelada intaba.

    Cabdi xasan Daad, oo adeer u ah wiilka oo la dilay oo BBC ayaa sheegay in aysan ilaa hadda aqoon cidda geysatay dilka wiilkooda.

    “Goor hal saac iyo bar oo cishaha lagu jiray ayaa la dilay, markaan cisha ka so baxay ayaan maydkiisa ka soo qaadnay meesha oo u u dhaxeysay guriga aan daganahay iyo kooda” ayuu BBC da u sheegay cabdi Xasan.

    Waxaa uu intaa ku daray in markii ay tageen goobtii dilka ak dhacay ay u tageen wiilka oo ‘naf yar’ ay ku jirto kadib na ay isbataal ula carareen.

    “Markii naloo soo sheegay oo aan meeshii tagnay, dhaawac ayuu ahaa markaas naf xun ayaa ku jirtay, maskaxda burburtay, markii aan isbataalki geynay oo saaladii la saaray waxaa noola sheegay inuu meyd yahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi.

    Cabdi Xasan oo adeer u wiilka la dilay ayaa sidoo kale xusay in laamaha ammaanka ay ku wargaliyeen dhacdadan islamarkana ay u sheegeen in howlgalka uu meel fiican u marayo.

    “Waan la xiriirnay booliiska waan la xiriirnay CID, iyo guddiga nabadgalyada, waxay noo sheegeen in baaritaanka uu meel fiican u maray” ayuu yiri Cabdi.

    Cabdiraxmaan Rooble Xasan oo 19 jir ahaa ayaa dhiganayay dugsiga sare gaar ahaan fasal saddexaad ee iskuulka Xaaji Cali Biixi ee magaalada Galkacyo, sanadkaan ayuu u gudbi lahaa fasalka afaraad ee dugsiga sare.

    Ehelkiisa ayaa sheegay in caddaalad ay dalbanayaan isalamarkaana dadkii ka dambeeyay dilkiisa la soo qabto.

    Taliya ku xigeenka booliiska qeybta gobolka Mudug qeybta Punland  Puntland Siciid Xueseen Jaama

    XIGASHADA SAWIRKA,SICIID XUESEEN JAAMAC

    Maxay ka yiraahdeen booliiska?

    Taliya ku xigeenka booliiska qeybta gobolka Mudug ee Punland, Siciid Xuseen Jaamac oo BBC la hadlay ayaa xaqiijiyay in dhacdadani xalay wiilka lagu dilay.

    Waxaa uu sheegay in dilka uu ka dhacay xaafadda Israac ee magaalada Galkacyo islamarkana ayna baaritaan wadaan.

    “Waxay ahayd dhacdo xanuun badan waan ka murugooneynaa, waxayna ka dhacday Xaafada israac aagga ibitaalka Dhagacade,” ayuu yiri taliyaha.

    Taliyaha ayaa sheegay in dilka ka dib ay sameeyeen howlgal dhanka amaanka ah islamarkana ay dhacdadan dad badan u soo xireen.

    “Dad ilaa 50 qof gaaraya ayaan u soo xirnay dhacdaan,” ayuu BBC da u sheegay Taliye Siciid.

    Goobaha ay booliiska howlgalkooda ku bartilmaameedsadeen waxaa ka mid ah goobaha lagu iibiyo taleefoonada celiska ah iyo goobaha taleefoonada lagu hagaajiyo.

    “Waxaan tagnay oo aan dad ka soo qabqabanay meelo kala duwan sida goobaha lagu iibiyo taleefoonada celiska ah kuwaasi oo ay su’aalo waydiinayno” ayuu intaa ku daray.

    Taliya ku xigeenka ayaa xusay in dhacdadaani ay tahay markii ugu horeysay oo tuugo ay qof ku disho xabad islamarkana markii hore ay sidan jireen tooreey taasi oo mararka qaar ay dhawacyo ku geysan jireen.

    Qaar ka mid ah ardayda iskuulkii uu dhigan jiray marxuum Cabdiraxmaan Rooble Xasan ayaa dhigay dibadbax ay cadaalad ku dalbanayaan.

    Tuugada dhacda taleefoonada ayaa sida wariyayaasha maxaliga ah ay sheegayaan muddooyiinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Galkacyo.

    Dilka Cabdiraxmaan Rooble Xasan iyo tuugada xilliga habeenkii dhaca taleefoonada ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka magaalada Galkacyo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.