Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Ireland oo ku dhawaaqday war aan u waanagsanayn Dadka magangalyo doonka ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay

    Ireland oo ku dhawaaqday war aan u waanagsanayn Dadka magangalyo doonka ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 28, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Raysal wasaaraha Ireland Simon Harris, ayaa ka codsaday wasiirka cadaaladda dalkaas inuu golaha wasiirada hor keeno sharci dadka magan galya doonka ah ee horay ugu yimi UK dib loogu celin karo dalkaas.

    Wasiirka cadaaladda Ireland Helen McEntee, ayaa sheegay in boqolkiiba siddeetan dadkii dhawaan dalkaasi galay ay ka yimaadeen UK iyagoo ka soo gudbay Xadka UK iyo Ireland.

    Ra’iisul wasaaare ku xigeenka Ireland, Micheál Martin, ayaa sheegay in siyaasadda UK ee Rwanda ay durba saameyn ku yeelatay Ireland.

    Sharciga ay UK, ku doonayso inay qaxootiga ku gayso dalka Rwanda ayaa sharci noqday khamiistii ka dib markii barlamaanka UK oggolaadeen xeerkii xukuumada dabada ka riixaysay.

    Ujeedada ay dowladda UK, ka leedahay arrintan ayey ku sheegtay sidii dadka ka soo gudbaya kanaalka Ingiriiska u joojin lahayd. Balse wali wax magangalyo doona dib looguma celin UK.

    In dadka loo qaado Rwanda, dowladda UK waxay sheegtay inay rajaynayso in duullimaadyadu ay duulaan gu’ga laakiin Raiisul wasaare Rishi Sunak, wuxuu sheegay in tani tahay inay hadda dhacdo tobban ilaa labo iyo tobban bilood gudahood.

    Afhayeen u hadlay Ra’iisul wasaare Harris, ayaa sheegay in uu ka codsaday wasiirkiisa cadaaladda McEntee “inay soo jeedimo u keento golaha wasiirada todobaadka soo socda si wax looga bedelo sharciga jira ee ku saabsan magacaabista ‘wadamo sadexaad’ oo nabdoon iyo ogolaanshaha soo celinta codsadayaasha magangalyada caalamiga ah ee aan la aqbali karin ee UK.

    Iyadoo la hadlaysay warbaabinta RTÉ’s Six One News, wasiir McEntee waxay tiri: “Waxaa jira sababo badan oo aan u aragnay kororka socdaalka dhanka Ireland.

    “Taasi waa sababta aan u soo bandhigayo socodsiinta degdega ah. Taasi waa sababta aan shir degdeg ah ugu yeelan doono golaha wasiirada usbuucan si aan u hubiyo inaan si wax ku ool ah dadka ugu celin karno UK waana sababta aan ula kulmi doono Xoghayaha Arimaha Gudaha [James Cleverly] si aan u soo bandhigno arrimahan Isniinta.”

    “Waxa aan diiradda saarayaa ka wasiirka caddaaladda ahaan ayaa ah inaan hubinno in aan helno qaab-dhismeed iyo nidaam socdaal oo wax ku ool ah,” ayey tiri wasiirka cadaaladda Ireland.

    Afhayeen u hadlay waaxda cadaalada ee Ireland ayaa BBC-da u sheegay in “arrinta ku saabsan dhaq-dhaqaaqa aan caadiga ahayn ee ka dhex jira CTA” aagga socdaalka guud ee u dhaxeeya Britain iyo Ireland looga hadli doono shirka wasiirada. ”

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ireland Micheál Martin, ayaa sheegay in siyaasadda UK ee Rwanda ay la macno tahay in dadka ka baqayaan inay sii joogaan UK, taasna ay ka ku kalifayso inay ka gudbaan xadka Jamhuuriyada Ireland si aan loogu dirin Rwanda.

    Ra’iisul wasaaraha UK, Rishi Sunak, oo wax laga waydiiyey hadalka wasiirka arrimaha dibadda Ireland,in hadaaladasii muujinayan in UK ay ‘dhoofinayso dhibaatada’.

    Sida uu BBCda u sheegay Sulaymaan Maxamed Cabdullaahi, oo u dhaqdhaqaada xaquuqda aadanaha, madaxna ka ha haya’adda Horn Of Afrikca Peoples Aid of Nothern Ireland, oo fadhigeedu yahay waqooyiga Ireland oo ka tirsan UK, ayaa xusay in tallaabadani ka turjumayso walaaca Ireland ka qabto heerka qulqulka magan galya doonka ee dalkaasi

    “Sharciga hadda ayaa la diyaarinayaa, oo wasiirka cadaaaladda ayaa laga sugayaa in dib eegis lagu sameeyo lana soo saaro wax cusub oo dhanka sharciga socdaalka ee Ireland, taasina waxaan is leeyahay waxay soo saari karaysaa in Ireland qaaddo in la hor istaago dadka ka baxsanaya sharciga UK ee Rwanda lagu gaynayo” ayuu yiri Sulaymaan.

    Isagoo sharaxayey waxaa laga filan karo inay qaado oo dheeri ah Ireland ayuu yiri “Dabcan waxay samayn doonaan inay xoojiyaan ammaanka xaduudaha oo ay halkaas ka hor istaagaan dadka doonaya inay dalkooda soo galaan ee UK ka imaanaya oo ay ku celiyaan UK” ayuu sharaxaadis raaciyey.

    Sulayman, wuxuu aaminsan yahay in qulqulka magangalyo doonka aysan celin doonin wadiiqooyinka ay doonayaan inay ku hakiyaan dowladduhu maadaama ay nolol raadis yihiin.

    Ireland, waxay ka mid tahay Midowga Yurub, waxaana suura gal ah inay dabri karaan sharciyada socdaalka ee dalalka Midowgaasi ku jira ku midaysan yihiin balse waxkasta waxay qaadan karayaan waqti ayuu BBC-da u sheegay Sulaymaan oo u dooda xaquuqda Aadanaha.

    “Waxaa laga yaabaa haddii ay dadka magan galyo doonka ah waydiistaan Ireland, oo haddii loo diido qaabilaada ayna ka quustaan maxkamaddaha dalkaasi ay arjiyadooda dacwada u dirsan karaan kuwa Maxkamaddaha Midowga Yurub, taasna ay caawin karayso” ayuu yiri Sulaymaan.

    Ireland ayaa waxay ka ka mid tahay dalalka Yurub ku yaalla oo ay sanadaihii dambe Soomaali badan halkaas u tageen inay magan gelyo ka helaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.