Dawladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ay dalka uga mamnuucayso isticmaalaka bacaha halka mar la isticmaalo ee aadka ugu badan Soomaaliya.
Amarkan oo ay ku saxiixan tahay wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee dawladda federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al Makhsuumi ayaa sidoo kale lagu xusay sababaha la cuskaday markii qoraalkan la samaynayey, waxaana ka mid ah βin lala jaanqaado shuruucda ilaalinta deegaanka ee bulshada Bariga Afrika (EAC) oo Soomaaliya ay dhawaan ku biirtayβ.
Sidoo kale waxa lagu xusay in lala tashtay βrugta ganacsiga, warshadleyda, khubaro, iyo dadweyneβ.
Dhaangalka amarkan ayaa bilaabanaya wixii loo gaaro 30 Juun, ayadoo wakhtigaas wixii ka dambeeya βla joojiyey soo dejinta, dhoofinta, soo saarista, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar la isticmaaloβ.
Soomaaliya muddo dheer waxaa dhibaato ku hayey bacaha iyo balaastigga. Haddaba dhibaatada bacaha ay u leeyihiin deegaanka intee leβeg tahay.
βBacda waxaa ku jira maadooyin kiimiko ah oo u xun caafimaadka aadanaha iyo kan deegaanka. Maadaooyinkaas waxaa la isticmaalaa marka bacda la samaynayo si bacdu u noqoto nooca la doonayo, taasna waxay keenaysaa in bacdu noqoto maaddo sumasyanβ sidaa waxaa yiri Dr Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ku takhasusay arrimaha deegaanka.

Wuxuu intaa ku daray noocyada bacaha, sida bacda khafiifka ah iyo tan culus ay ku kala badan yihiin maadooyinkaas.
βWaddamadeenan awooddoodu hooseyso tayadooda cid hubisa oo koontaroosha ma jirto, taasna waxay keentaa in warshaduhu ay isticmaalaan wax tayadoodu liidatoβ ayuu sii raaciyey.
Wuxu kaloo ka sii hadlay dhibaatada bacaha ay leeyihiin βBacda waxaa ku jira maadooyin aan baabiβin, teeda kalena, haddii xooluhu cunaan ama bani aadamka qudhiisa ay si uun u gasho calooshiisa, way adag tahay in habka dheefshiiska uu burburiyo bacda, markaa dhibka ugu weyn ee ay leedahay waa in aysan baabaβayn, halka alwaaxa, dhagaxa ama biraha ay baabaβaanβ.

Beddelka bacaha
Dr Cabdullaahi Cilmi wuxuu aaminsan yahay, sida ay dad badan qabaan, in guul weyn ay tahay in dawladda Soomaaliya ay gaartay goβaankaas lagu joojinayo bacaha.
βArrintaas adawladda way ku amaanan tahay, laakin arrinta laga fekeri karo waa waxyaabaha lagu beddeli karo iyo wajiyada kala duwan ee loo samayn karo hirgelinteeda iyo marxaladaha kala duwan ee la marayo si ugu dambayn looga baxo isticmaalka bacahaβ ayuu yiri.
Wuxuu sii raaciyey βSilsiladad isku xiran ee soo saarka bacda hal mar inay wada goβdo way adag tahay, wakhti ayeyna qaadanaysaa, laakin sida caalamku sameeyey, innagana aynu samayn karno waa in bacda lagu beddelo waxyaabaha laga sameeyo baakadaha ama waraaqaha, waana lagama maarmaan, waana ka dhibaato yar tahay, inkastoo taas qudheeda ay deegaanka halis ku tahay waayo geedo badan in la jaro ayaa imaanayaβ.
Arrin kale oo Dr Cabdullaahi uu khatar u arko waa isticmaalka caagagga biyaha mooyo sixada lagu cabo oo uu sheegayo in ayaguna ay waxyeello weyn ay u leeyihiin deegaanka.
βKhatarta aan arko ee daran waa caagagga biyaha mooyo sixada, yar iyo weyn, kuwaas ayaa meel kasta daadsan, mana aha kuwo dib loo warshadeyn karo (Recyclable), ka dibna dib loo isticmaali karo. Waa noocyo haddii hal mar la soo saaro aan isticmaal dambe gali karin. Waxaan qabaa in waxyeellada bacdu leedahay ay leeyihiin, dhamaan meelaha bacdu gaartana ay gaaraan, oo xataa miyiga ayaad ku arkaysaa, waxayna kuwaas u baahan yihiin nidaamka maarayta qashinta (Waste management).
Wuxuu Cabdullaahi Cilmi ku taliyey in ganacsatada bacaha soo saara xiriir lala sameeyo si wixii lagu beddeli lahaa looga wada tashto.
