Close Menu
    What's Hot

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026

      Madaxweynaha Jabuuti oo Daah-furay Mashruuca “Salaam City” oo ku kacaya $480 Milyan

      March 24, 2026

      Trump oo hakiyay duqeymaha Iran 5 maalmood, wada-hadallo xasaasi ah oo furmay

      March 24, 2026

      Diyaarad ku burburtay xadka Peru.

      March 24, 2026

      Midowga Yurub oo war ka soo saartay Xiisadda Koofur Galbeed.

      March 24, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Intee le’eg tahay waxyeellada bacaha ay dawladda Soomaaliya mamnuucday

    Intee le’eg tahay waxyeellada bacaha ay dawladda Soomaaliya mamnuucday

    By radiohalgan.comFebruary 2, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dawladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ay dalka uga mamnuucayso isticmaalaka bacaha halka mar la isticmaalo ee aadka ugu badan Soomaaliya.

    Amarkan oo ay ku saxiixan tahay wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee dawladda federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al Makhsuumi ayaa sidoo kale lagu xusay sababaha la cuskaday markii qoraalkan la samaynayey, waxaana ka mid ah “in lala jaanqaado shuruucda ilaalinta deegaanka ee bulshada Bariga Afrika (EAC) oo Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay”.

    Sidoo kale waxa lagu xusay in lala tashtay “rugta ganacsiga, warshadleyda, khubaro, iyo dadweyne”.

    Dhaangalka amarkan ayaa bilaabanaya wixii loo gaaro 30 Juun, ayadoo wakhtigaas wixii ka dambeeya “la joojiyey soo dejinta, dhoofinta, soo saarista, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo”.

    Soomaaliya muddo dheer waxaa dhibaato ku hayey bacaha iyo balaastigga. Haddaba dhibaatada bacaha ay u leeyihiin deegaanka intee le’eg tahay.

    “Bacda waxaa ku jira maadooyin kiimiko ah oo u xun caafimaadka aadanaha iyo kan deegaanka. Maadaooyinkaas waxaa la isticmaalaa marka bacda la samaynayo si bacdu u noqoto nooca la doonayo, taasna waxay keenaysaa in bacdu noqoto maaddo sumasyan” sidaa waxaa yiri Dr Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ku takhasusay arrimaha deegaanka.

    Wuxuu intaa ku daray noocyada bacaha, sida bacda khafiifka ah iyo tan culus ay ku kala badan yihiin maadooyinkaas.

    “Waddamadeenan awooddoodu hooseyso tayadooda cid hubisa oo koontaroosha ma jirto, taasna waxay keentaa in warshaduhu ay isticmaalaan wax tayadoodu liidato” ayuu sii raaciyey.

    Wuxu kaloo ka sii hadlay dhibaatada bacaha ay leeyihiin “Bacda waxaa ku jira maadooyin aan baabi’in, teeda kalena, haddii xooluhu cunaan ama bani aadamka qudhiisa ay si uun u gasho calooshiisa, way adag tahay in habka dheefshiiska uu burburiyo bacda, markaa dhibka ugu weyn ee ay leedahay waa in aysan baaba’ayn, halka alwaaxa, dhagaxa ama biraha ay baaba’aan”.

    Baco

    Beddelka bacaha

    Dr Cabdullaahi Cilmi wuxuu aaminsan yahay, sida ay dad badan qabaan, in guul weyn ay tahay in dawladda Soomaaliya ay gaartay go’aankaas lagu joojinayo bacaha.

    “Arrintaas adawladda way ku amaanan tahay, laakin arrinta laga fekeri karo waa waxyaabaha lagu beddeli karo iyo wajiyada kala duwan ee loo samayn karo hirgelinteeda iyo marxaladaha kala duwan ee la marayo si ugu dambayn looga baxo isticmaalka bacaha” ayuu yiri.

    Wuxuu sii raaciyey “Silsiladad isku xiran ee soo saarka bacda hal mar inay wada go’do way adag tahay, wakhti ayeyna qaadanaysaa, laakin sida caalamku sameeyey, innagana aynu samayn karno waa in bacda lagu beddelo waxyaabaha laga sameeyo baakadaha ama waraaqaha, waana lagama maarmaan, waana ka dhibaato yar tahay, inkastoo taas qudheeda ay deegaanka halis ku tahay waayo geedo badan in la jaro ayaa imaanaya”.

    Arrin kale oo Dr Cabdullaahi uu khatar u arko waa isticmaalka caagagga biyaha mooyo sixada lagu cabo oo uu sheegayo in ayaguna ay waxyeello weyn ay u leeyihiin deegaanka.

    “Khatarta aan arko ee daran waa caagagga biyaha mooyo sixada, yar iyo weyn, kuwaas ayaa meel kasta daadsan, mana aha kuwo dib loo warshadeyn karo (Recyclable), ka dibna dib loo isticmaali karo. Waa noocyo haddii hal mar la soo saaro aan isticmaal dambe gali karin. Waxaan qabaa in waxyeellada bacdu leedahay ay leeyihiin, dhamaan meelaha bacdu gaartana ay gaaraan, oo xataa miyiga ayaad ku arkaysaa, waxayna kuwaas u baahan yihiin nidaamka maarayta qashinta (Waste management).

    Wuxuu Cabdullaahi Cilmi ku taliyey in ganacsatada bacaha soo saara xiriir lala sameeyo si wixii lagu beddeli lahaa looga wada tashto.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waxaa farxad iyo guul weyn ii ah in aan soo gabagabeeyo buuggii aan muddo dheer ku hawlanaa, kaas oo cinwaankiisu yahay Halgan

    January 25, 2026

    Sama fale Cabdicasiis Muudeey oo u dhaq-dhaqaaqa caawinta bulshada dan yarta ah ayaa weli wada caawinta iyo afurinta qoysaska danyarta ah ee beledweyne ku sugan. (SAWIRRO)

    March 19, 2024

    Sida khuuradu u dhibaateyn karto guurkaaga iyo xalka looga bogsan karo

    March 19, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.