Kamaal Maxamed Ismaaciil waxa uu dhashay sannadkii 1908. Waa ninkii nasiibka u yeeshay inuu naqshadeeyo oo dib u dhiso Masjidka Xaramka iyo Masjid An-Nabawi.
Waxa uu ahaa qofkii ugu yaraa ee ka qalin jabiyay dugsiga sare ee dalka Masar, waxaanu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee abid ka qalin jabiyay kuliyada boqortooyada ee injineernimada.
Ka dib waxa loo diray Yurub si uu u qaato shahaadooyin dheeraad ah oo la xiriirao qaab-dhismeedka Islaamka.
Wuxuu ahaa injineerkii ugu horreeyay ee la wareegay maamulka guud ahaan naqshadeynta iyo dib u dhiska Haramaini Sharifain.
In kasta oo uu heer sare ka gaaray naqshadeynta, khibrad badan uu lahaa, haddana waxa uu diiday in uu xitaa hal diinaar ku qaato dhammaystirka hawshan adag ee dheer.
Waxa uu diiday in uu wax lacag ah ka qaato naqshadaynta injineernimada iyo kormeerkiisa dhismaha, inkastoo ay dadaallo lacag lagu siinayo sameeyeen boqor Fahad iyo Shirkadda Bin Laden.
Waxa uu yiri: “maxaan lacag uga qaataa shaqadeyda goobaha ugu xurmada badan adduunka, sidee ayaan Alle uga hortagayaa maalinta qiyaame”?
Noloshiisa oo dhami waxay ahayd mid iimaan ku dhisan. Wuxuu lahaa nolol gaar ah, waana sababta uu waqtigiisa ugu badan ku bixin jiray cibaadada.
Da’diisu 80 jir ayay ka weyneyd markii uu saxiixay qandaraaska naqshadeynta iyo dib u dhiska Masjidka Al Xaaraam iyo Masjid An-Nabawi.
Intaa ka dib waxa uu noloshiisii oo dhan ku qaatay ka shaqaynta goobaha barakeysan isaga oo aan warbaahinta la wadaagin.
Ma uusan guursan ilaa uu ka gaaray 44 sano jir. Xaaskiisu waxa ay dhashay hal wiil ka hor inta aanay dhiman, ka dib waxa uu noqday doob naftiisa u huray cibaadada ilaa uu ka dhintay. Waxa uu noolaa in ka badan boqol sano.
Marka laga soo tago naqshadeynta dhismayaasha Masjidka Al Xaaraam iyo Masjid An-Nabawi waxaa kaloo xusid mudan in qalabka loo isticmaalay dhismayaasha uu yahay mid naadir ah.
Hadii aad nasiib u yeelatay in aad booqato meelahaas barakeysan waxaad ogaan doontaa in kasto oo kuleyl badan uu ka jiro Sacuudiga, hadana sagxada Masjidka Al-xaaraam ay qabow tahay marka la taabto.
Sababta ay sagxadda u qabowdahay ayaa lagu sheegay marmarka cad ee loo isticmaalay dhismaha waxaa jira nooc naadir ah oo marmar cad oo baraf ah oo laga helo Lubnaan.
Dr Kamaal waxa uu aaday dalka Giriiga waxa uuna soo iibsaday marmar naadir ah.
Waxaa lagu yaqaannaa dhalaal aan caadi ahayn iyo midab cad waxa uuna gacan ka geystaa qaboojinta guryaha kulaylka ah.
Markii la bilaabay dhismaha masjidka An Nabawi, Boqorka Sacuudi Carabiya ayaa ka codsaday Dr Kamaal inuu isticmaalo marmar cad oo baraf ah.
Masjidka al-Xaram, ama Masjidka weyn ee Makkah, waa goobta ugu barakeysan Islamka, oo ku yaalla magaalada Maka ee dalka Sacuudiga.
Masjidka ayaa ah mid taariikhdiisa lagu sameeyay balaadhin aad u badan si ay u qaabilaan tirada sii kordhaysa ee xujeyda sanad walba u soo xajiya si ay u gutaan waajibaadka xajka iyo cumrada.
Isha: BBC SOMALI