Dhabtii hadda xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, si dhaqso ah waxay u noqotay goob ay ku dagaallamaan quwadaha;
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay cod u qaaday qaarar la xiriiray xaaladda Suudaan , waxaa oggolaaday dhammaan xubnaha golaha oo xataa Shiinaha uu ku jiray , laakin waxaa diidmada qayaxan ku joojiyay qaraarkaa Ruushka.
Waatan sheekadda waxa dhacay;
Marka koowaad, qaraarka qabyada ah waxaa soo diyaariyay Ingiriiska iyo Sierra Leone, wuxuu ku baaqayay in si deg deg loo joojiyo dagaalka Suudaan oo la billaabo wada-hadallo lagu soo afjarayo dagaalka.
Fadhiga waxaa ku sugnaa, xog-hayaha (wasiirka) arrimaha dibadda Ingiriiska, David Lammy oo shir guddoominayay kulanka , halka Ruushka uu goobta u joogay ku-xigeenka safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay, Dmitry Polyanskiy — wuxuu sameynayay muddadii uu socday hadalka xog-hayaha arrimaha dibadda Ingiriiska inuu isticmaalayay telefoonkiisa, isagoo aan marna kor usoo fiirin , sidoo kalena aan wax dareen ah siin, marka la gaaray codeynta ay qaraarkan u qaadayaan 15 xubnood ee golaha ammaanka, dhammaan xubnaha kale ayaa oggolaaday, halka Ruushka uu diidday , waana marka kaliya ee wakiilka Ruushka uu madaxiisa kor u soo qaaday ama la arkay dareenkiisa soo jeeday waxay noqotay marka uu qaraarkan u adeegsaday ‘diidmada qayaxan’ , taa oo ka dhigaysa qaraarka mid aan sharci ahayn.
Hab-dhaqanka safiir ku-xigeenka Ruushka , waxaa si adag uga carooday xog-hayaha arrimaha dibadda Ingiriiska oo ku sheegay ‘wax laga xumaado’, isagoo intaa ku daray; “Hal waddan ayaa is hortaagay, hal waddan ayaa xannibaya,tani waxay ceeb ku tahay Putin.”
Safiir ku-xigeenka Ruushka, Dmitry Polyanskiy ayaa si deggan u hadlay, wuxuu markiiba xasuusiyay dalalka qaraarkan u codeeyay , waxa uu Mareykanka ka sameynayay golahan si loo joojiyo waxa ka dhacaya Qasa! Waxa xigay inuu sheegay , qaraarkan inuu Ingiriiska dadaal ku bixiyay inuu wiiqo awooddi sharci ee Suudaan, tallaabo uu ku tilmaamay hab dhaqan ‘gumeysi’.
Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa ka soo xigatay diblomaasiyiin fadhiga ku dhowaa in Ruushka uu si cad u muujiyay inuu la safan yahay Jenaraal Al Burhaan oo hoggaamiya militariga Suudaan ee la dagaallamaya kooxda RSF.
Waxa laga arkay ama hab dhaqanka safiir ku-xigeenka Ruushka ayaa sidoo kale AFP, waxay ku sheegtay inay Moscow ku soo bandhigtay carada ay ka qaaday go’aanka la sheegay Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska inay ugu fasaxeen Ukraine inay u adeegsato weerarrada Ruushka gantaallada riddada dheer ee dalalkan ay siiyeen Ukraine.
W/T Iman Jama