Waxaa socda baadi-goobka Dad la sheegay in ay la rogmatay doon ay saarnaayeen oo marayay inta u dhaxaya Madoga & Gaarisa waxaana lagu qiyaasay in ay kor u dhaafayaan 30 ruux sida ay muujinayso xog laga soo xigtay saraakiil katirsan xubnaha ku howlan howlgalkaan.
Doomo nooca yar yar ee dheeraaya ayaa lagu baadi-goobayaa si loo helo rag ama ruux Dadkaas la raadinayo iyada oo xubno badan oo ehelkooda ah ay sidoo kale qayb ka yihiin gurmadkaas socda sidaasi waxaa laga soo xigtay ilo kala duwan.
Biyaha oo aad u badan ayaa la sheegay in aanay suuragal noqon Karin in dabaal lagu raadiyo Dadkaas waxaana la joojiyay dhaqdhaqaaqa dadka aanay la socon doonta si aanay halis kale halkaas uga dhalan.
Digniin culus ayaa loo diray Dadka la socda Doomaha ee isaga kala gudbaya Magaalooyinka Kenya maadaama roobab xooggan ay da’een isla markaana suuragal noqon karto halis nafeed in uu safarkaas ka dhalan karo.
Daadad badan ayaa ku rogmaday Dalal Kenya ay kamid tahay waxaana weli taagan cabsi kale, dadka degen deegaannada dhul ahaan jilcan ama godadka ku badan yihiin ee loo arko in ay halis ka dhalan karto.
La soco wixii kasoo kordha