Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

    May 18, 2025

    Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

    May 18, 2025

    Militeriga Soomaaliya oo baaraya dilka Taliyihii guutada 26-aad ee Ciidanka Xoogga

    May 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Militeriga Soomaaliya oo baaraya dilka Taliyihii guutada 26-aad ee Ciidanka Xoogga

      May 18, 2025

      Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

      May 17, 2025

      DEG DEG: Taliyihii Guutada 26aad ee Ciidamada Soomaaliya Xujaale oo la dilay xili uu dagaal kasocday

      May 17, 2025

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Militeriga Soomaaliya oo baaraya dilka Taliyihii guutada 26-aad ee Ciidanka Xoogga

      May 18, 2025

      Faah faahin ku saabsan Sida uu u dhacay dilka taliye Xujaale?

      May 17, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Imtaxaanka shahaadiga ee fasalka 12aad oo sanadkaan galay sanadkiisa 10aad

    Imtaxaanka shahaadiga ee fasalka 12aad oo sanadkaan galay sanadkiisa 10aad

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 17, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo ku siman 25 sano ah kaddib, waxay 15-kii jun 2015-kii  billawday qaadista Imtixaanka shahaadiga  ah dugsi sare (12-aad) ee dalka, taasi oo  meesha ka saartay si toos ah dowrkii ay dalladaha  ay ku lahaayeen ee qaadista imtixaankas, iyaga oo ku sababeeyey in xiligaas aysan ahayn wakhtigii ay ku habooneed, balse waxaa go’aankaas soo afjaray dowladda oo markaas ay Wasaaradda Waxbarashada ku dhiiratay in ay qaaddo Imtaxaanka Qaranka.

    Guud ahaan tirada ardayda fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka  2014-2015, ayaa lagu sheegay tiradooda in ay gaaraysay 287,000 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho; kuwaas oo u diwaan gashanaa dalladaha waxbarasho ee maamulayay dugsiyada dalka.

    Wasaaradda waxbarashada oo sanadkaas billawday in la qaado Imtaxaanka Qaranka ee fasalka 12aad, ayaa shaacisay in tirada ardayda xilligaas u fadhiisatay Imtaxaanka ay gaareysay 17,254; taas oo ka dhignayd in 6% ardayda xilligaas dhammeysay dugsiga sare ay u fadhiisteen Imtaxaanka Qaranka oo markii ugu horreysay qaaday Wasaaradda Waxbarashada dalka.

    Ka Baaqashada ardayda ee imtaxaanka Qaranka, ayaa lagu sababeeyey sababo amni iyo daruufo adag oo xilligaas dalka ka jiray iyo baqdin ay qabeen ardayda dhammeysay fasalka 12aad ee dugsiga sare.

    Imtaxaanka ayaa xilligaas ku soo aadayay  xilli uu manhajka waxbarashada dalka oo ahaa mid aanan mideysnayn, waxbarashada dalka oo gacanta ay ugu jirtay Dallado iskooda isku xilqaamay kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay horumarinta waxbarashada dalka xilligii burburka.

    2015-2016

    Waa sannad kale oo ay dowladdu ku dhiiratay qaadista imtixaanka shahaadiga ah ee Qaranka, iyada oo Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda faderaalka Soomaaliya qaaday Sannad Dugsiyeedka 2015-2016, kaas oo u billawday ardayda May 28-kii, xilligaas Imtaxaanka ardayda waxa ay ku galeen 59 xarumo oo ku kala yaalla bartamaha iyo koofurta dalka, iyada oo wasaaraddu  sheegtay ardayda u fadhiisatay imtixaanka in ay gaarayeen 10,104 araday.

    2016-2017

    Waa sannadkii saddexaad oo imtaxaanka Qaranka ay qaadeyso Wasaaradda waxbarashada, xilli sannad dugsiyeedkaas imtixaanka shahadiga ah u fadhiistay 18,239 arday, laakiin Qorshaaha Wasaaradda Waxbarashada waxaa uu ahaa in imtixaanka ee sanadkasi in ay u fariistaan ilaa iyo 23,000 arday, balse uma suurta galin sida uu markaa warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada.               

    2017-2018

    Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ka warbixisay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka ee Sannad dugsiyeedka 2017-2018, ayaa sheegtay in sannadkaasi Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare ay u fariisteen 25,675 araday, waxa ayna xustay in 92 Xarumo oo Gobolka Banaadir iyo Gobollada dalka ku yaalla lagu galay imtixaanka.

    2018-2019

    Sannadkaan, waa uu ka duwan yahay sannadahii hore iyo sida ay arday fasalka 4aad ee dugsiga sare u gali jireen Imtixaanka shahaadiga ee qaranka; waayo Wasiirka Wasaaradda waxbarashada ee xilligaas Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyey imtaxaanka shahaadiga oo muddo saddex maalin socday, oo ay wasaaradda baabi’isay kaddib markii uu imtaxaanka uu ka baxay gacanta dowladda.

    Sannadkaas arday gaareysa tiradood 29,434 ayaa imtixaanka shahaadiga ah ufariistay, Wasaaradda ayaa shaacisay in 23.5%, ardayda ay imtaxaanka ku dhaceen, kuwaas oo tiradoodu gaareysa  6,935 arday.

    2019-2020

    Waa sannad kale oo ku soo beegmaya xilli dunida uu saameeyey cudurka COVID-19, kaas oo waxbarashada saameyn weyn ku yeeshay, walow dedaal badan kaddib ay suurta gashay in la qaado Imtaxaanka.

    Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa sheegtay in  2019/2020-ka  ay tirada guud ee ardada imtixaanka gashay ay ahayd 33,727 arday, iyada oo ay soo gudbeen  25,177, waxaana haray 8,550-arday.

    Sannad dugsiyeedkaas ayaa lagu qoray sooyaalka imtaxaanka Qaranka in uu ahaa sannadkii ugu dhicista badneyd ee waxbarashada dalka, doodda imtaxaanka ayaa waxa ay gaartay illaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, kuwaas oo markii dambe u saaray guddi ka soo tala bixiya.

    2020-2021

    Wasaaradda Waxbarshadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysay sixidda qaladadkii hore ee jiray ayaa sanadkaas wax ka bedeshay qaabka Imtixaanka Sannad Dugsiyeedka 2020-2021 uu dhacayo, waxaana ay ciidamo loo carbiyey la macaamilka ardayda si ay meesha uga saaraan jahwareerkii iyo isku xirnaan la’aanta dhanka ah in isku waqti ama saacad qura oo uu wada bilowdo imtixaanka, waxaana sanadkaas u fadhiistay 34,908 arday oo ku kala sugnaa gobollada dalka iyo Muqdisho.

    Wasiirkii markaa Wasaaradda Waxbarshadda ahaa Xildhibaan Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in ay Wasaaradda Waxbarshada mas’uuliyad iska saari doonto sidii loo hubin lahaa Tayadda iskuullada bixiya Waxbarshadda Dugsiga Sare .

    Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in laga bilaabo Sanadka 2021-2022, Albaabada la isagu dhufan doono iskuullada bixiya fasalka 3-aad iyo 4-aad ee Dugsiga Sare ee aanan aheyn Dugsi Sare oo rasmi ah.

    2021-2022

    Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay Natiijada Imtixaanka dowladda ee Dugsiyada Sare ee dalka sanad dugsiyeedka 2021-2022.

    Wasaaradda Waxbrashada ayaa sheegtay in tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedka ay tahay 32,325 arday, halka tirada dhacday ay gaarayeen 1,143 arday.

    1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

    2022-2023

    Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacinaysay natiijada Imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada Sare ee Sannad Dugsiyeedka 2022-2023 ayaa sheegtay in laga qaaday Gobolka Banaadir iyo Afar maamul Goboleed imtixaanka sanadkaasi.

    Natiijada imtixaanka oo ay u fariisteen 32,501 Arday, waxaana Gobolka Banaadir oo ugu badan imtixaanka ku dhacday 2,461 arday, halka ay ka gudbeen 19,690 Arday.

    Laga soo bilaabo illaa xiligaa ay dowladda bilowday, waxaa waxbarashada iskuuladda fasalada afaraad  kaso  gudbay 245,050, laakiin waxaa jira sannad walba ay harayeen kumunaan arday.

    2023-2024

    Sannadkaan oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa Wasaaradda Waxbarashada ay sheegtay in imtixaanka sannad dugsiyeedka 2023-2024 uu bilaaban doono 22-ka bishaan June, isaga oo dhammaan doona 27-ka isla bisha.

    Sannadkaan Imtaxaanka Qaranka ee fasalka 12aad waxa u buuxsantay 10 sano oo xiriir ah oo ay Wasaaradda Waxbarashada ay ka qaadeyso Imtaxaanka, gobolka Banaadir iyo maamul gobaleedyada kuwaas oo kala ah: Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Wasaaradda weli imtaxaanka mideysan ma uusan gaarin maamullada Puntland iyo Somaliland oo imtaxaanadooda gooni u gala.

    10 sanno ka dib Imtaxaanka Qaranka ayaa la qaadaya iyada oo Wasaaradda Waxbarashada soo saartay manhaj mideysan oo isugu jira saddexda heer, kaas oo ay soo saaristiisa iyo diyaarintiisuba lahayd Wasaaradda Waxbarashada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

    May 18, 2025

    Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

    May 18, 2025

    Militeriga Soomaaliya oo baaraya dilka Taliyihii guutada 26-aad ee Ciidanka Xoogga

    May 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

    May 18, 2025

    Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

    May 18, 2025

    Militeriga Soomaaliya oo baaraya dilka Taliyihii guutada 26-aad ee Ciidanka Xoogga

    May 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.