Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa aqbashay magacaabista Danjiraha cusub ee Taliban ay u magacaabay Dalkaas si uu uga shaqeeyo isku xirka danaha Dalkaan Carbeed iyo Afgaanistaan sida hadalka loo dhigay.
Sarkaal sare oo katirsan Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in Dalkaan ku yaalla Khaliijka uu aqoonsaday kana guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo kana mid ahaan doonno danjireyaasha ku sugan Abu Dhabi.
Dowladda cusub ee Afgaanistaan oo hoggaanku ay u hayaan Taliban oo horay u maamulaysay intii u dhaxeysay 1996dii ilaa 2001dii ayaa dib u heleysa aqoonsiga Dalal badan oo si tartiib-tartiib ah ula sameysanaya cilaaqaad siyaasadeed.
Saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa sii kordhayay Dadka caanka ah ee u safraya Dalka Afgaanistaan si ay usoo arkaan isbaddelka Maamul, Siyaasad iyo dhaqaale ee dhashay wixii ka dambeeyay markii ay dalkaas ka carareen Isbahaysigii Maraykanka.