Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Ilaalada xeebaha Greece oo tahriibayaal SOOMAALI ku jirto ku tuuray badda

    Ilaalada xeebaha Greece oo tahriibayaal SOOMAALI ku jirto ku tuuray badda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 18, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sababay dhimashada tobonaan muhaajiriin ah oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka muddo saddex sano ah sida ay goob joogayaal sheegeen.

    Muhaajiriintan baddda lagu tuuray ayaa la sheegay inay ku jiraan sagaal qof oo si ula kac ah loogu tuuray biyaha.

    Sagaalkan qof ayaa kamid ah in ka badan 40 qof oo lagu eedeeyay in ay dhinteen iyadoo lagu qasbay in laga saaro biyaha Giriiga, ama dib loogu celiyay badda ka dib markii ay gaadheen jasiiradaha Giriiga, sida lagu ogaaday baaritaanka BBC-da.

    Muhaajiriintan baddda lagu tuuray ayaa la sheegay inay ku jiraan sagaal qof oo si ula kac ah loogu tuuray biyaha.

    Sagaalkan qof ayaa kamid ah in ka badan 40 qof oo lagu eedeeyay in ay dhinteen iyadoo lagu qasbay in laga saaro biyaha Giriiga, ama dib loogu celiyay badda ka dib markii ay gaadheen jasiiradaha Giriiga, sida lagu ogaaday baaritaanka BBC-da.

    Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa baaritaankeena ku sheegay in eedeymaha falalka sharci darrada ah ay yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn.

    Waxaan tusnay muuqaalka 12 qof oo la soo saaray doon ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriiga, kadibna loogaga tagay doonida, taas oo loo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ilaalada xeebaha Giriigga.

    Markii uu ka kacay kursigiisii, ee uu weli makarafoonkiisu shidnaa, waxa uu sheegay in ay “sida iska cad sharci-darro tahay” iyo “dambi caalami ah”.

    15-kii dhacdo ee aan falanqeynay ee ku taariikhaysan May 2020-23 – ayaa sababay dhimashada 43. Ilaha waxay ahaayeen warbaahinta maxaliga ah, NGO-yada iyo ilaalada xeebaha Turkiga.

    Xaqiijinta tiarada noocaan ah aad ayay u adag tahay, marqaatiyadu inta badan waa la waayaa, ama aad ayay uga baqayaan inay hadlaan. Laakiin afar ka mid ah kiisaskan waxaan awoodnay inaan xaqiijinno tiarada annagoo la hadalnay markhaatiyaal goob-joogeyaal ah.

    Baaristeenna, oo lagu baahiyay dukumiinti cusub oo la yirahdo Dead Calm: Killing in the Med?, ayaa soo jeedisay qaab cad.

    Shan ka mid ah shilalka, muhaajiriinta ayaa sheegay in ay si toos ah badda ugu tuureen maamulka Giriigga. Afar kamid ah kiisaskaas waxay sharraxeen sida ay uga soo degeen jasiiradaha Giriigga laakiin waa la ugaarsaday.

    Dhowr dhacdo oo kale, muhaajiriintu waxay sheegeen in la saaray laashash la buufiyo oo aan lahayn matooro ka dibna aaryo baxay, ama ay u muuqdaan in la dalooliyay.

    Mid kamid ah dhacdooyinka ugu daran waxaa ka sheekeeyay nin u dhashay Cameroon, kaasi oo sheegay in ay ugaarsadeen mas’uuliyiinta Giriiga ka dib markii uu ka degay jasiiradda Samos Sebtembar 2021.

    Si lamid ah dhammaan dadkii aanu waraysanay, waxa uu sheegay in uu qorsheynayay in uu magangalyo doon ahaan iskaga diiwaan-geliyo dhulka Giriiga.

    “Si dirqi ah ayaanu ugu soo xiranay jasiiradda, booliiskuna gadaal buu nagaga yimi,” ayuu yiri. “Waxaa jiray laba nin oo boolis ah oo ku labisnaa dhar madow, saddex kalena waxay ku labisanaayeen dhar rayid ah, wejiyada ayay duubnaayeen, waxaad arkaysay oo keliya indhahooda.”

    Si tartiib tartiib ah ayay gacantiisu u libiqday, ka dibna jirkiisa oo dhan ayay biyihii ka kor mareen.”

    Qofka aan waraysanaynay waxa uu sheegay in kooxihii afduubay ay garaaceen.

    “Feer ayaa madaxayga sidii roobka ugu daadanayay, sida iyagoo xayawaan garaacaya.” Kadibna wuxuu sheegay inay isagana sidoo kale biyaha ku tuureen- iyada oo aanan xirneyn jaakada badbaadada.

    Waxa u suurogashay in uu u dabaasho dhanka xeebta, laakiin maydadka labada kale, Sidy Keita iyo Didier Martial Kouamou Nana ayaa laga helay xeebaha Turkiga.

    Qareennada ninka badbaaday ayaa ka dalbanaya mas’uuliyiinta Giriigga inay furaan kiis dil ah oo laba qof loo geystay.

    Bishii Juun 2023, doon-jariif ah oo si xad dhaaf ah loo buux-dhaafiyay ayaa ku hor rogmatay doonta ilaalada xeebaha Giriigga. In ka badan 600 oo rag, dumar iyo carruur ah ayaa ku dhintay biyaha. Yaase mas’uul ka ah, oo ma ciidanka ilaalada xeebuhu?

    Waxa uu sheegay in uu ku badbaaday in uu dhabarka ku sabbeeyo, ka hor inta aanay mid ka mid ah gacmihiisu ka go’in xarigga. Laakiin baddu way kacsanayd, oo saddex ka mid ah asxaabtiisa way dhinteen.

    Ninkii aan waraysanaynay ayaa waxaa u suurogashay inuu barriga yimaado halkaas oo ugu dambayntii ay ku arkeen ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga.

    Dhacdadii khasaaraha ugu badneed ee nolosha waxay dhacday- bishii Sebtembar 2022 – ka dib markii doon ay saarnaayeen 85 muhaajiriin ah ay dhibaato kula kulantay meel u dhow jasiiradda Rhodes ee Giriigga ka dib markii ay qallibantay doonidii ay saarnaayeen.

    Maxamed, oo ka yimid Suuriya, wuxuu noo sheegay in ay waceen ilaalada xeebaha Giriigga si ay u caawiyaan – kuwaas oo ku soo buuxiyay doomo, dibna ugu celiyay biyaha Turkiga. Maxamed waxa uu sheegay in isaga iyo qoyskiisuba la siiyey buufin aan xitaa aanan xirmeeynin.

    Isla markiiba waxaan bilownay inaan quusno, wayna arkeen, wayna maqleen annaga oo qeylinaya, balse way naga tageen,” ayuu u sheegay BBC-da.

    “Cunuggii ugu horreeyay ee dhintay wuxuu ahaa wiil uu dhalay adeerkay. kadib mid mid ayay u dhinteen. Ilmo kale, ilmo kale, ka dibna ina-adeerkay laftiisa ayaa la waayay. Subaxdii markii la gaaray waxaa dhintay toddoba ama siddeed carruur ah.”

    Carruurteyda ma dhiman ilaa subaxdi ka hor intaysan iman ilaalada xeebaha Turkiga,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

    Sharciga Giriigga ayaa u oggolaanaya dhammaan soogalootiga magangelyo doonka ah inay iska diiwaan-geliyaan dhowr jasiiradood oo ku yaal xarumaha diiwaangelinta gaarka ah.

    Laakiin dadka aan waraysanay oo aanu la xidhiidhnay iyaga oo gacan ka helaya ururka taakulaynta muhaajiriinta ee Consolidated Rescue Group ayaa sheegay in la qabtay ka hor inta aanay tagin xarumahan.

    Waxay yiraahdeen nimankan sida muuqata waxay ku shaqeyaan si qarsoodi ah, waa kuwa aan ku labisnayn dharka askarta, intooda badan wejiyada ayaa u duuban.

    Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku andacoonaya in kumanaan qof oo magangalyo doon ah Yurub si sharci darro ah looga soo celiyay Giriiga, loona diiday inay magangelyo weydiistaan, taasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Midowga Yurub.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.