Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Cabbas Araghchi, ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan qorsheyneynin inay daldasho dadka la xiray ka qeyb qaadanayay banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda.
Isaga oo la hadlay Fox News, ayuu sheegay, in Madaxweyne Trump uusan sameynin isla qaladkii uu galay sanadkii hore – markaasoo Mareykanku uu weerarro cirka ah ka fuliyay xarumaha Nukliyeerka Iran bishii June.
Mr Trump ayaa ku hanjabay inuu qaadi doono “tallaabo aad u xoogan” haddii Iran ay bilowdo fulinta dilalka – laakiin markii dambe wuxuu sheegay in lagu war geliyay in dilalka dadka mudaharaadaya la joojiyay.
Arbacadii shalay ahayd, Mareykanka iyo Britain ayaa ka daadgureeyay qaar ka mid ah shaqaalaha militariga saldhig muhiim ah oo ku yaalla Qatar – taasoo sare u qaadeysa filashooyinka ah in Mareykanku uu arrinta soo faragelin karo.

