Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa laga mamnuucay iibka xoolaha nuucyadooda kala duwan, kaddib markii magaaladaasi ku faafay cudur halis ah oo ku dhacaya xoolaha.
Qoraal kasoo baxay maamulka xoolaha ee magaalada Kampala ayaa lagu mamnuucay in hilibka xoolaha lagu iibiyo caasimadda ,waxaana tallaabadan lagu xakameenayaa faafitaanka xoolaha ka saameeya afka iyo cagaha.
β Hilibka loβda, ariga, idaha, Doofaarka iyo wax-soo-saarkoodaΒ waa mamnuuc ilaa amar dambe, inta laga xakameenayo cudurka la arkayβ ayaa lagu yiri war kasoo baxayΒ Wasaaradda Beeraha, Warshada Xoolaha iyo Kalluumeysiga.
Dadka ku dhaqan magaalada Kampala oo aad u isticmaali jiray hilibka xoolaha nuucyadiisa kala duwan ayaa dhibaato ku qaba mamnuucida hilibka, waxaana dadka aad u iibsanayaan hilibka digaaga iyo sidoo kale malayga.

