Taliyaha Ciidamada Lugta Uganda, Jeneraal Kayanja Muhanga iyo Saraakiil uu hoggaaminayo oo safar ku yimid Soomaaliya ayaa qiimeyn u tagey deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose.
Taliyaha ayaa la kulmay Saraakiisha ciidanka Uganda ee hoos yimaada howlgalka AUSSOM, isaga oo kala hadlay dagaalka AS iyo guulaha ay ka gaareen la wareegida deegaanka Sabiib iyo Caanoole.
Ciidamada Uganda ayaa toddobo askari uga geeriyootay dagaal xooggan oo ka dhacay bannaanka deegaanka Sabiib iyo Caanoole, iyaga oo ka barbar dagaalamay Militeriga Soomaaliya.
Taliye Kayanja Muhanga ayaa ku amaanay ciidamada sida geesinimada leh ee ay uga qeyb qaateen dagaalka AS, isagoo xusay in la xoojiyo dadaallada lagu xasillinayo deegaannada laga saarey AS.