Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Mud: Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dalka Muqdisho.
Hoggaamiyaha iyo waftigiisa ayaa waxa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Masuuliyiinta Golayaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda.
Ugu dambayn hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka soomaaliyeedba soodhawaynta balaadhan ee ay usameeyeen, isagoona ka qaybgali doona Madasha wadatashiga Qaran isla markaana kulamo la qaadan doona Daneenayaasha Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya.