– Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Mahdi Maxamed Guuleed ‘Khadar’.
Kulankan ayaa ahaa isxogwaraysi iyo salaan sharaf Raysal Wasaare ku xigeenku hoggaamiyaha ugu yimi.
Hoggaamiyaha ayaa Raysal-wasaaraha uga mahadceliyey doorkiisa muhiimka ah ee uu ku leeyahay ilaalinta midnimada dalka iyo wadajirka Jamhuuriyadda FS.