Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Hogaanka Rugta ganacsiga Soomaaliyed oo lagu eedeeyey dayac & xil gudasho la’aan

    Hogaanka Rugta ganacsiga Soomaaliyed oo lagu eedeeyey dayac & xil gudasho la’aan

    By radiohalgan.comMarch 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    OLYMPUS DIGITAL CAMERA
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email
    Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega dekeda Muqdisho ayaa ka cabanaya lacago sharci daro ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay badeecadaha ay kala soo degaan taasoo ka baxsan lacagihii ku waajibay ee canshuuraha ahaa.

    Arrintan ayaa sababtay in maalmahan ay hakad galaan howlihii ka socday dekeda Muqdisho sababo la xiriira diidmo ganacsatadu ka muujiyeen lacagaha la soo rogay iyo ismari waa ka dhashay.

    Ganacsatada ayaa sheegay iney bixiyeen canshuurta ku waajibtay, lacagahana ay yihiin kuwo sharci daro ah oo ku dhacaya jeebka  shaqsiyaad ka tirsan Maamulka dekeda iyo ganacsato xiriir la leh dowlada.

    Ilo wareedyo ayaa sheegaya in lacagtan ay tahay mid lagu qaadayo qalab Scan ah oo la sheegay in lagu hubinayo badeecadaha Kontaynarada ku jira ee ka soo dega dekeda Muqdisho kaasoo aysan dowladu maamuleynin.

    Scan-kan oo dalka la keenay sanadkii 2018 ayaa la sheegay inuusan u shaqeyneynin sidii loogu talo galay, sababo la xiriira tayada shaqadiisa oo aad u hooseysa laguna kalsoonaan karin, hase ahaatee shaqsiyaadkan arrintan gadaal ka riixaya ayaa ka dhiganaya marnarsiiyo ay lacago ku qaataan.

    Shaqsiyaadka la sheegay in loo xiray mashruucan oo ay hormuud ka yihiin Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre & Maamulaha furdada dekeda Muqdisho Cismaan Maxamed Cadaawe ayaa lagu eedeeyey iney heshiis la galeen shirkadda Al Beyrak ee Maamusha dekeda Muqdisho si ganacsaduhu ugu qasbanaado inuu warqad fasax ah iyaga uga baahdo, uusana dekeda ugala bixin alaabtiisa xitaa hadii uu wato dokumentiga fasaxa gaadiidka iyo cadeynta inuu bixiyey canshuurta ku waajibtay.

    Ganacsatada ayaa talaabadan ku tilmaamay xanibaad sharci daro ah iyo in shaarkii dowlada ay ugu awood sheeganayaan ganacsato kale iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada oo u heshiiyey, waxayna intaas ku dareen iney cabashadooda gaarsiiyeen Wasaarada dekedaha balse aysan jirin illaa hadda cid wax la qabatay.

    Dhowaan ayey aheyd markii uu sidan oo kale xirmay suuqa Bakaaraha iyo suuqyo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho ka dib markii lacago bille ah uu ku soo rogay maamulka Gobolka Benaadir, kuwaasoo ka baxsan canshuuraha ay bixiyaan.

    Maamulka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyey inuu gabay waajibaadkii ka saarnaa inuu wax ka qabto caqabadaha soo wajaha ganacsatada, taas bedelkeedna ay qeyb ka yihiin dhibaatada lagu hayo saaxiibadood ay isku mihnada yihiin.

    “Rugta ganacsiga Soomaaliyeed waxaa 30 sano ka badan xaaraan ku heysta Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre iyo koox ka tirsan ganacsatada oo ku dhow isaga kuwaasoo danahooda gaarka ah ku fushada, meelna iska dhigay iney ka shaqeeyaan danaha ganacsatada ay magacooda huwan yihiin” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo magaciisa ka gaabsdaday in la soo xigto.

    Maamulaha furdada dekeda Muqdisho Cismaan Maxamed Cadaawe
    Maamulaha furdada dekeda Muqdisho Cismaan Maxamed Cadaawe

    Waxyaabaha lagu eedeynayo Rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo gudoomiyahooda Gabeyre waxa ka mid ah iney gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday, ayna dayaceen adeegyadii rugtu u heysay ganacsatada Soomaaliyeed.

    Dowlada Soomaaliya iyo Rugaha ganacsiga dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaa marar badan isku dayey in meesha laga saaro Gudoomiye Gabeyre oo lagu eedeeyey ku takri fal, waxqabad la’aan iyo ficilo lidi ku ah isla ganacsatadii uu magacooda sheeganayey.

    Gudoomiye Gabeyre ayaa la sheegay inuu ka hor tagay talaabooyinkaas xilka looga qaadi rabay isagoo adeegsanaya awood qabiil iyo garab uu ka helay saaxiibo uu ku leeyahay madaxda sare ee dowlada, wuxuuna khilaaf iyo iyo kala qeybin ka dhex abuuray ganacsatada si uu xilka u sii heysto, loona qaban doorasho xalaal ah.

    Gabeyre iyo kooxdiisa waxay gaareen in qeyb laga siiyo canshuurta ganacsatada loogu qaado dekeda Muqdisho si ay u caburiyaan saaxiibadood ganacsatada kale, uguna qasbaan fulinta lacagaha sharci darada ah ee la saaro taasoo sababtay in ganacsatadu ay waayaan cid u dooda xuquuqdooda, kalana shaqeysa ka hor taga xad gudubyada sharci darada ah.

    Sanado ka hor ayey aheyd markii Ganacsatada Muqdisho ay si cad u sheegeen inaan la aqbali karin in canshuur laga qaaday ganacsato Soomaaliyeed lagu maal-galiyo ganacsato kale, iyaga oo intaa ku daray in arintan tahay mid baal marsan guud ahaan sharciga qaadista canshuuraha.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.