Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

    May 18, 2025

    DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

    May 18, 2025

    Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

    May 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

      May 18, 2025

      DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

      May 18, 2025

      Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

      May 18, 2025

      Dagaal Xoogan Oo wali kasocda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

      May 18, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

      May 18, 2025

      DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

      May 18, 2025

      Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

      May 18, 2025

      Dagaal Xoogan Oo wali kasocda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

      May 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Hodan Saalax “Waxaan saygaygii, gabadhaydii iyo lugahaygiiba ku waayay habeen uu Muqdisho ka jiray dabaaldeg laba sano ka hor”

    Hodan Saalax “Waxaan saygaygii, gabadhaydii iyo lugahaygiiba ku waayay habeen uu Muqdisho ka jiray dabaaldeg laba sano ka hor”

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 31, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Soomaaliya, tiro malaha dadka u waxyeelloobay hubka sida sharci darrada ah loo rido iyada oo mararka qaar ay guryaha ugu tagaan qoysas aan waxba ka ogeyn waxa socda ama sababta loosoo riday.

    Hodan Saalax waxa ay saygeedii, gabadheedii, iyo labadeedii lugoodba ku weyday madaafiic gurigooda ugu tagay iyaga oo hurda.

    Xaflada caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda laba sano ay ka soo wareegtay ayaa xilligaas socotay. Madaxweyne Xasan Sheekh waa madaxweynaha kaliya ee mar labaad loo doortay Soomaaliya.

    Habeenkii caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya magaaladu waxa ay ahayd mid aad u sawaxan badnayd, waxaana muuqatay in shacab iyo ciidan badan ay u dabaal dagayeen soo doorashadi uu ku guulaystay madaxweynaha.

    Dabaaldegyada waxaa ka mid ahaa hub loo ridayey raynraynta munaasabadaas.

    Laakinse waxaa jira dhanka kale, dad hubkii la ridayey uu guryahooda ugu tegey, kuwaasoo dhibaato ay ka soo gaartay.

     

    “Habeenka ay hubku nagu soo dheceen waa habeenkii caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh waxaana ay ahaayeen kuwii dabbaal degga, runtii burbur qoyseed oo aad u weyn ayaa iga soo gaaray hubkii la ridayey, oo waxa aan ku waayay saygaygii iyo gabar aan dhalay iyo lugahaygii walibana xaamilo ayaan ahaa”, sidaas waxaa BBC-da u sheegtay Hodan Saalax.

    BBC ma xaqiijin karto cidda soo ridday hubka khasaarahaas gaystay.

    Hodan sidoo kale waxa ay sheegtay in isla goobta uu ku geeriyooday wiil yar oo adeer u ahaa ilmaha ay dhashay.

    Hodan Saalax

    XIGASHADA SAWIRKA,HODAN SALAH

    “Xilliga ay dhacdadu dhacday waxa ay ahayd abbaare 1-dii saqda dhexe, qofkii ugu horreeyay ee dhaawac ah ee meesha laga qaaday aniga ayuu ahaa isla goobta lug ayaa iiga go’day halka lugta kale oo dhaawac daran ahayd isbitaalka la’iiga jaray” ayey tiri Hodan.

    Ilmihii yaraa ee ay uurka ku sidday ayaa markaas ahaa 7 bilood iyadoo lagu qalay, waxaana ay noqotay gabadh, iyada oo ah cunugga ugu yar ee hadda u jooga Hodan.

    “Xaajigeyga ayaa markaas ku soo kacay jugta, wuu i soo kiciyay labadeenna oo barxadda guriga ama daashka isla taagan ayuu na haleeyay xitaa xaajigeyga lugaha ayuu ka go’ay wuuna u geeriyooday dhaawicii”, ayey mar kale tiri Hodan.

    Hodan waxa ay sheegtay in guud ahaan nolosheedii ay is bedeshay xilligaas ka dib, waxa ay sheegtay in ay ku nooleyd nolol farxad leh balse hadda qoyskeeda uu kala burburay oo xitaa wiilkeeda weyn uu weli la dhibban yahay wixii ka soo gaaray hoobiyayaasha.

    “Wiilkeyga oo toddobo sano hadda sii galaya weli waxaa madaxiisa ku jira firir iyo dhaawac soo gaaray, maskaxdiisa qayb ayey ka nuux-nuuxsaneysaa sidii ilmo hadda dhashay”, ayey tiri.

    Hodan Saalax hadda waxa ay ku sugan tahay magaalada Nairobi, waxa ay sheegtay in ay weli raadineyso daryeel caafimaad oo dibadda ah balse ay u suura geli la’dahay.

    Nairobi waxa ay la joogtaa ehelo ay halkan ku lahayd waxaase weli jira culeys nololeed oo aan la’iska indho tiri karin.

    Hodan Saalax

    XIGASHADA SAWIRKA,HODAN SALAH

    Waxaa xusid mudan in aabbaha carruurta dhalay ee ka geeriyooday uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ee Soomaaliya, iyada oo Hodan ay sheegtay meesha kaliya ee hadda ay wax ka soo galaan in ay tahay mushaarkiisii oo weli u socda.

    Waxa uu qaadan jiray lacag gaareysa 200$ hase yeeshee waxaa jira dad mararka qaar garab u noqda Hodan iyo ilmaheeda

    Hodan oo ka hadleysa sababta ay Nairobi u timid ayaa tiri, “waxa aan u imid in aan helno daryeel dheeraad ah iyo sidoo kale in aan helo lugo macmal ah si aan ilmahayga ugu ordo, iyaga oo aan aabbe heysan haddana anigii aan kursi uga fadhiyo waxa ay igu heysaa xanuun badan, laakiin lugihii aan Nairobi ka helay wey igu cuslaadeen kuwo fudud ayaa Jarmalka la’iigu sheegay laakiin duruufta iima saamixin”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

    May 18, 2025

    DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

    May 18, 2025

    Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

    May 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

    May 18, 2025

    DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

    May 18, 2025

    Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

    May 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.