Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa gargaar bani aadamnimo u dirtay Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si loogu qaybiyo qoysaska dantayar ee kaalmadaas u baahan.
Gargaarkaan ayaa lagu qaaday Doomo si looga dejiyo Magaalada Marka xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana kaddib looga sii qaadi doonnaa Gawaari uu diyaariyay Maamulka Gobolkaas sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Doomahaan ayaa gargaarka looga raray Xeebta Deegaanka Jaziira waxaana lagu wareejiyay Guddoomiyaha Deegaanka Janaale oo qaatay mas’uuliyadda gargaarkaan lagu gaarsiinayo Dadka loo qorsheeyay gargaarkaas.
1,500 oo qoys ayaa kaalmadaan loogu talagalay sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA waxaana la wareegay Guddoomiyaha Janaale Cabdiraxmaan Al-Cadaala.
Hay’adda SODMA ayaa gacanta ku haysa gargaar bani aadamnimo oo ka kala yimid Dalal kala duwan kuwaas oo qaarkood loo gudbiyay Gobollada Dalka halka uu socdo qorshe kale oo kaalmadaas lagu gaarsiinayo deegaannada baahiyaha gaarka ah ka jiraan.