Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa maanta 750 qoys waxa ay gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka ugu qeybisay degmada Baraawe ee gobalka Shabeellada Hoose.
Qoysaska gargaarkaan la gaarsiiyay ayaa iskugu jiray barakacyaal, naafo iyo dad danyar ah, iyada oo goobta lagu qeybinayey mucaawinadaan ay goobjoogayaal ka ahaayeen, mas’uuliyiin kala duwan oo ugu horreeyso, Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf, Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Sheekh Abdi, ku xigeenkiisa dhanka amniga Ismaaciil Abdullaahi Jaadane iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale, Qoysaska loo qaybiyey deeqdaan ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha JFS, Ra’isulwasaaraha XFS iyo hoggaanka sare ee SoDMA.
Gargaarkaan ay sameysaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa imaanay xilli ay maalmihii u dambeeye safarro gargaar ah ku maraeysay gobollada dalka.