Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo soo gebagebeeyey dib-u-eegistii ugu horreysay ee hannaanka deyn cafinta ee Soomaaliya, ayaa soo saaray go’aan awood u siinaya kaas oo dhigaya in si degdeg ah loo bixiyo lacag gaareysa $10 Millyan oo dollar, taas oo loogu talagay dowladda Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa lagu sheegay in taageeradaan loo marin doona miisaaniyadda dowladda, taas oo ka dhigaysa wadarta guud lacagta Soomaaliya lagu taageeray qiyaastii $50 Milyan oo dollar.
“Barnaamijku wuxuu taageerayaa istaraatiijiyadda dib-u-habaynta maamulka, ka dib markii la gaaro heerka dhammaystirka ee hoos yimaada hindisaha wadamada deymaha leh si loo sii xoojiyo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo kor u qaadista xasiloonida dhaqaalaha iyo kobaca dhaqaalaha,” sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay IMF.
Tallaabadaan ayey Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ku sheegtay in ay ku soo beegantay dib u qaabeynta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo heerka deen cafinta.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa lagu sheegay taageeradan in ay waafaqsan tahay qorshaha horumarinta dowladda Soomaaliya iyo hiigsiga fog ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda.