Isniin, February, 19, 2024 (HOL) – Hayβadda Duulista rayidka ee Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabooyin adag oo lagu dammaanad qaadayo sii socoshada bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya.
Hayβaddu waxay sheegtay in ay walaac ka qabto in Somaliland ay carqaladayn ku bilowday maamulka hawada Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay suurtagal tahay in ay ku hoos qarsoon yihiin saamayn dibadda ah iyo dano gaar ah.
βDowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah u soo saartay digniino iyo ogeysiisyo ku aaddan ilaalinta badqabka duulimaadyada, iyadoo ka dalbatay maamulka Somaliland inay la shaqeeyaan. Si kastaba ha ahaatee, digniinahaas ayaa lagu soo waramayaa in la iska indhatiray,β sidaasi ayaa lagu yiri warka hayβadda Duulista.
Tallaabooyinkan ayaa daba socda hakad ku yimid adeegyadii hawada ee degaanno ka tirsan Somaliland, iyadoo hayβadda Duulistu ay sheegtay in ay sabab u tahay markii Somaliland ay qaadday tallaabooyin xadgudub ku ah shuruucda duulimaadyada gudaha iyo dibadda.


