Hantidhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Isse Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay horumarada shaqo ee xafiiska, muhiimadda taageerada la-taliyayaasha farsamo iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha hantidhowrka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub u fidiyo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, sidii loo horumarin lahaa habraaca baarista lacagaha taageerada ee la marsiiyo Nidaamka Maareynta Maaliyadda Dalka (SFIMS), laguna maamulo khasnadda dhexe ee dowladda.
Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta joogtada ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud la leyahay Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Baarlamaanka, si loo xaqiijiyo dabagalka iyo fulinta talooyinka baarista hantidhowr ee Xafiisku horay u bixiyay.