Ciidamada Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sameeyay howlgal muhiimaddiisu ahayd in gacanta lagu soo dhigo hub ka yimid dhanka Itoobiya oo maleeshiyaad hubeysan ay damacsanayd in ay boobto.
Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa halka loo waday hubkaas, wararka qaar ayaa tilmaamaya in Dowlad-Goboleedka Puntland loo waday isla markaana ay ilaalinayeen ciidamo katirsan kuwa Dowlad-Goboleedkaas.
Sababta keentay in ciidamo dheeraad ah loo baahdo si loosoo gudbiyo hubka waa in Dadka Degmada Bookh ay damceen in ay boobaan hubkaas, waxaana lagu soo warramayaa in rasaas kooban la maqlayay kahor inta aan hubkaas lasoo gudbin.
Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay kordhisay hubka dhanka Dalkeeda uga soo gudbaya soona galaya dhanka Soomaaliya, horay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa hub sidaan oo kale usoo galay lagu boobay Degmada Caabudwaaq.
Weli ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedka Puntland, Itoobiya iyo Dowlad-Goboleedka si loo helo faahfaahin dhammeystiran oo la xiriirta ujeedka hubkaas, Cidda loo waday & halka haatan lagu hayo.
La soco wixii kasoo kordha