Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

    July 5, 2025

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Halista gaaska cunnada lagu karsado iyo sida uu xalay 300 oo qof waxyeelo ugu gaystay gudaha Nairobi

    Halista gaaska cunnada lagu karsado iyo sida uu xalay 300 oo qof waxyeelo ugu gaystay gudaha Nairobi

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dab xoog leh oo ka dhashay qarax uu sababay gaaska cunnada lagu karsado ayaa keenay dhaawaca ilaa 300 oo qof sida bisha cas ee Kenya ay ku soo warramayso.

    Tirada dhimashada ayaa ilaa hadda la og yahay in tahay saddex qof.

    Afhayeenka xukuumadda wuxuu sheegay in gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka qaada ah uu ka dhashay qaraxa, iyadoo dab xoog leh uu cirka isku shareeray.

    Ilaa saaka waaberigii shaqaalaha dab-damiska ayaa la tacaalayey sidii ay u bakhtiin lahaayeen dabkaas oo xalay saqdii dhexe ka billowday xaafadda Embakasi.

    Guryo, goobo ganacsi iyo baabuur ayaa burbur soo gaaray, iyadoo muuqaal laga duubay goobta uu muujinayay dab aad u xooggan oo ka kacaya meel ku dhow guryo dabaqyo ah.

    Taliyaha booliska Embakasi, Wesley Kimeto ayaa sheegay in ilmo uu ka mid yahay dadka ku dhintay qaraxa, isagoo intaa ku daray in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

    Senetarka Nairobi Edwin Sifuna ayaa sheegay in senate-ka dalka Kenya uu u yeeri doono mas’uuliyiinta Hay’adda Tamarta iyo Shidaalka (Epra), oo uu ku jiro maamulaha guud, taasoo qeyb ka ah tallaabooyinka looga hortagayo shilalka la mid ah qaraxii habeenkii Khamiista dhacay.

    Bishii Agoosto ee sannadkii tagay ugu yaraan hal qof oo dumar ah ayaa ku dhimatay saddex qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaaska cunnada lagu karsado oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

    Demi dhammaan wixii dab ah ee furan
    Qoraalka sawirka,Demi dhammaan wixii dab ah ee furan

    Halista gaaska cunnada lagu karsado

    Gaaska cunnada lagu karsado wuxuu noqon karaa aalad qaraxda oo halis badan sida marar bandanna sababta musiibiiyin ay dad badan ku dhintaan, sida tan xalay ka dhacday magaalada Nairobi.

    Gaaskan noocan ah waa mid khafiif ah oo dabka qabsan og sidaad darteed ayey shirkadaha soo saara uga taxaddaraan si uusan dab u qabsan kadibna qarax u sababin.

    Asal ahaan gaaskani malaha ur lagu garto balse waxaa lagu daraa nooc Kiimikada ah oo aan waxyeello lahayn oo loo yaqaan ‘mercaptan’ si ay u soo saarto ur u ek midka “ukun qudhuntay” oo kale oo dabcan ah waxa soo ura marka uu gaaska cuntadu daato ama hawada ku jiro. Waxaa loogu tala galay urkan in lagu garto si looga taxadaro.

    Dhanka kale gaaska wax lagu karsado wuxuu hawada aan ku neefsanno ee guriga kusii daayaa wasakh. Wasakhdaasi waxay mararka qaar wax u dhintaa caafimaadka sambabadeenna, balse khatarta gaasku ma aha oo kaliya wasakhaynta hawada aan jiidno.

    Gaaska cunnada lagu karsado

    Maxaa kula gudboon haddii uu kuu uro gaaskani?

    Haddii gaaskani uu kuusoo uro adiga oo guriga ku jira ama marka aad soo gasho, waxaa jira tallaabooyin badbaado oo ay khubaradu soo jeediyeen si uusan u qarxin gaaskaas hawada ku jira ama uusan dab u qabsan.

    Raadi taleefan aan u dhaweyn halka aad ku ogtahay gaaska oo wac shirkadda gaaska. (Haddii urta ay xoog badan tahay ama aadan hubin, ka bax dhismaha ka dibna wac.) waxaa loogu tala galay in ay sugaan amniga goobta si uusan gaaskaasi dhibaato u sababin. Tilaabooyinka xasuusnow inta aad goobta joogto:

    • Isku day in aad qof walba ka fogeyso goobta urta
    • Ha shidin sigaar ama tarraq
    • Ha shidin shumac
    • Ha isku dayin in aad damiso ama aad shiddo nalka
    • Haku dhex isticmaalin taleefan goobta urta
    • Ha isticmaalin wax qalab koronto ah ama nalal laga yaabo in ay dab ama kulayl ka kciyaan meesha urtu ka jirto
    • Ha isticmaalin gambaleelka albaabka
    • Ha isticmaalin wiishka
    • Demi dhammaan wixii dab ah ee furan

    Haddii urtu xoog badan tahay, isla markiiba ka bax goobta oo u sheeg kuwa kale in ay baxaan. Kadib, deriskaaga ama cid kale ka wac hay’adaha ku shaqada leh.

    Urta gaaska dibadda waa in isla markaaba la soo sheegaa – ha isku dayin inaad adigu heshid halka ay urto kasoo baxayso. Haddii aad uriso ama aad maqasho gaas ka baxaya weelkii uu ku jiray sida haamaha gaaska oo kale:

    • Ha meel dhigin ama ha isticmaalin baabuur ama qalabka korontada ku shaqeeya oo yaal goobta gaasku ka da’ayo.

    Haddii aad maqasho shanqarta gaas baxaya, raac talaabooyinkan:

    Talooyinkan waa kuwa ay bixiyaan shirkadaha qaybiya gaaska guryaha kuwaas oo leh shaqaale u ay u tababareen xakamaynta gaaska ka baxa haamihii uu ku jiray.

    Si kastaba ha ahaatee, xasuusnow mar walba; gaaska hawada ku jira ama meel ka da’aya waxaa qarxin kara dab ama kulayl xad dhaaf ah sidaa darteed, gaaskaasi in uu qarxo waxay jirta inta uu dab ama kulayl badani u jiro.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

    May 31, 2025

    Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

    May 24, 2025

    Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

    May 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

    July 5, 2025

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.