Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Halista gaaska cunnada lagu karsado iyo sida uu xalay 300 oo qof waxyeelo ugu gaystay gudaha Nairobi

    Halista gaaska cunnada lagu karsado iyo sida uu xalay 300 oo qof waxyeelo ugu gaystay gudaha Nairobi

    By radiohalgan.comFebruary 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dab xoog leh oo ka dhashay qarax uu sababay gaaska cunnada lagu karsado ayaa keenay dhaawaca ilaa 300 oo qof sida bisha cas ee Kenya ay ku soo warramayso.

    Tirada dhimashada ayaa ilaa hadda la og yahay in tahay saddex qof.

    Afhayeenka xukuumadda wuxuu sheegay in gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka qaada ah uu ka dhashay qaraxa, iyadoo dab xoog leh uu cirka isku shareeray.

    Ilaa saaka waaberigii shaqaalaha dab-damiska ayaa la tacaalayey sidii ay u bakhtiin lahaayeen dabkaas oo xalay saqdii dhexe ka billowday xaafadda Embakasi.

    Guryo, goobo ganacsi iyo baabuur ayaa burbur soo gaaray, iyadoo muuqaal laga duubay goobta uu muujinayay dab aad u xooggan oo ka kacaya meel ku dhow guryo dabaqyo ah.

    Taliyaha booliska Embakasi, Wesley Kimeto ayaa sheegay in ilmo uu ka mid yahay dadka ku dhintay qaraxa, isagoo intaa ku daray in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

    Senetarka Nairobi Edwin Sifuna ayaa sheegay in senate-ka dalka Kenya uu u yeeri doono mas’uuliyiinta Hay’adda Tamarta iyo Shidaalka (Epra), oo uu ku jiro maamulaha guud, taasoo qeyb ka ah tallaabooyinka looga hortagayo shilalka la mid ah qaraxii habeenkii Khamiista dhacay.

    Bishii Agoosto ee sannadkii tagay ugu yaraan hal qof oo dumar ah ayaa ku dhimatay saddex qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaaska cunnada lagu karsado oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

    Demi dhammaan wixii dab ah ee furan
    Qoraalka sawirka,Demi dhammaan wixii dab ah ee furan

    Halista gaaska cunnada lagu karsado

    Gaaska cunnada lagu karsado wuxuu noqon karaa aalad qaraxda oo halis badan sida marar bandanna sababta musiibiiyin ay dad badan ku dhintaan, sida tan xalay ka dhacday magaalada Nairobi.

    Gaaskan noocan ah waa mid khafiif ah oo dabka qabsan og sidaad darteed ayey shirkadaha soo saara uga taxaddaraan si uusan dab u qabsan kadibna qarax u sababin.

    Asal ahaan gaaskani malaha ur lagu garto balse waxaa lagu daraa nooc Kiimikada ah oo aan waxyeello lahayn oo loo yaqaan ‘mercaptan’ si ay u soo saarto ur u ek midka “ukun qudhuntay” oo kale oo dabcan ah waxa soo ura marka uu gaaska cuntadu daato ama hawada ku jiro. Waxaa loogu tala galay urkan in lagu garto si looga taxadaro.

    Dhanka kale gaaska wax lagu karsado wuxuu hawada aan ku neefsanno ee guriga kusii daayaa wasakh. Wasakhdaasi waxay mararka qaar wax u dhintaa caafimaadka sambabadeenna, balse khatarta gaasku ma aha oo kaliya wasakhaynta hawada aan jiidno.

    Gaaska cunnada lagu karsado

    Maxaa kula gudboon haddii uu kuu uro gaaskani?

    Haddii gaaskani uu kuusoo uro adiga oo guriga ku jira ama marka aad soo gasho, waxaa jira tallaabooyin badbaado oo ay khubaradu soo jeediyeen si uusan u qarxin gaaskaas hawada ku jira ama uusan dab u qabsan.

    Raadi taleefan aan u dhaweyn halka aad ku ogtahay gaaska oo wac shirkadda gaaska. (Haddii urta ay xoog badan tahay ama aadan hubin, ka bax dhismaha ka dibna wac.) waxaa loogu tala galay in ay sugaan amniga goobta si uusan gaaskaasi dhibaato u sababin. Tilaabooyinka xasuusnow inta aad goobta joogto:

    • Isku day in aad qof walba ka fogeyso goobta urta
    • Ha shidin sigaar ama tarraq
    • Ha shidin shumac
    • Ha isku dayin in aad damiso ama aad shiddo nalka
    • Haku dhex isticmaalin taleefan goobta urta
    • Ha isticmaalin wax qalab koronto ah ama nalal laga yaabo in ay dab ama kulayl ka kciyaan meesha urtu ka jirto
    • Ha isticmaalin gambaleelka albaabka
    • Ha isticmaalin wiishka
    • Demi dhammaan wixii dab ah ee furan

    Haddii urtu xoog badan tahay, isla markiiba ka bax goobta oo u sheeg kuwa kale in ay baxaan. Kadib, deriskaaga ama cid kale ka wac hay’adaha ku shaqada leh.

    Urta gaaska dibadda waa in isla markaaba la soo sheegaa – ha isku dayin inaad adigu heshid halka ay urto kasoo baxayso. Haddii aad uriso ama aad maqasho gaas ka baxaya weelkii uu ku jiray sida haamaha gaaska oo kale:

    • Ha meel dhigin ama ha isticmaalin baabuur ama qalabka korontada ku shaqeeya oo yaal goobta gaasku ka da’ayo.

    Haddii aad maqasho shanqarta gaas baxaya, raac talaabooyinkan:

    Talooyinkan waa kuwa ay bixiyaan shirkadaha qaybiya gaaska guryaha kuwaas oo leh shaqaale u ay u tababareen xakamaynta gaaska ka baxa haamihii uu ku jiray.

    Si kastaba ha ahaatee, xasuusnow mar walba; gaaska hawada ku jira ama meel ka da’aya waxaa qarxin kara dab ama kulayl xad dhaaf ah sidaa darteed, gaaskaasi in uu qarxo waxay jirta inta uu dab ama kulayl badani u jiro.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

    January 31, 2026

    Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

    April 10, 2024

    Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

    April 9, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.