Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » ‘Halista aan lagu baraarugsaneyn ee ka dhalan karta qorshaha Xasan ee dastuurka’

    ‘Halista aan lagu baraarugsaneyn ee ka dhalan karta qorshaha Xasan ee dastuurka’

    By radiohalgan.comMarch 24, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka ayaa mareysa meel xasaasi ah, ayada oo si weyn looga deyrinayo halka ay sal dhigan doonto.

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka beddelka dastuurka, ayaa ka digay halis aan lagu baraarugsaneyn oo ka dhalan karta arrintaan.

    Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in xaalka uu ku dambeyn doono in dhufeysyo laga qato Muqdisho, si lamid ah xilligii Farmaajo laga diiday qorshihiisi guracnaa, inkasta oo weli sanado u dhiman yihiin muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

    “Haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, tixgelin waayoo dastuurka, xeerhoosaadka Golaha, iyo habraaca ansixinta dastuurka, Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo, lana diiday in dalka Maxkamad Dastuuri loo dhiso, shacabkiina talada waxba ku lahayn, sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey?,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in aan xilligaan looga fadhin Xasan in uu beddelo wixii heshiiska lagu ahaa, balse la rabay in la qabyo tiro dastuurka oo waxa ka dhiman la dhammaystiro.

    Waxa uu ka dhigay cawaaqibta ka dhalan karta qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee uu weli ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, “Dastuurkeena meelna ugama qorna in madaxweynaha uu wax ka beddelka dastuurka horboodo, mana ogolo in talada wax ka beddelka isaga ka bilaabato.ee waa ilaaliyaha dastuurka iyo marjicii ay ku soo dhammaan lahayd.”

    Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran

    Madaxweynaha Senegal Maki Sally ayaa 05 Febraayo ee sanadkan Baarlamaanka dalkiisa ka ansaxsaday in doorashada madaxtinimada oo la qaban lahaa 15ka Febraayo dib loo dhigo. Laakiin mucaaradka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa dacwad ka dhan ah go’aanka u gudbiyey Maxkamada Dastuuriga ah ee dalkaas oo 15 kii Febraayo go’aamisay in aan dib loo dhigi karin doorashada, iyadoo amartay in la qabto 24-ka Maarso oo maanta ku beegan.

    Sidoo kale, ayaa 31 Maarso sanadkii 2022 Maxkamadda Sare ee Kenya ka diiday Madaxweynihii hore ee dalkaas, Uhuru Kenyatta isku day uu ku doonayey in uu dastuurka ku beddelo. Maxkamadda ayaa go’aanka diidmada ku sababaysay in Madaxweynaha uu horboodayey wax ka beddelka dastuurka, halkii laga doonayey in muwaadiniintu horseed ka noqondaan.

    Waxaa halkaa ka cad muhiimadda ay leedahay Maxkamad Dastuuri ah oo laanta fulinta ka madaxbanaan iyo in la kala saaro dastuurka iyo danaha shakhsiga ah.

    Dhammaystirka dastuurka ee murashaxiinta uu madaxweynaha ka mid ahaa balanqaadeen waxay ahayd in la qabyo tiro, waxa ka dhiman la dhammaystiro ee ma ahayn in wixii heshiiska lagu ahaa la beddelo.

    Dastuurkeena meelna ugama qorna in Madaxweynaha uu wax ka beddelka dastuurka horboodo, mana ogolo in talada wax ka beddelka isaga ka bilaabato ee waa ilaaliyaha dastuurka iyo marjicii ay ku soo dhammaan lahayd.

    Haddaba, haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, tixgelin waayoo dastuurka, xeerhoosaadka Golaha, iyo habraaca ansixinta dastuurka, Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo, lana diiday in dalka Maxkamad Dastuuri loo dhiso, shacabkiina talada waxba ku lahayn, sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey?

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.