Hal qabiil ayaa ku baaba’aya dagaalka Alshabaab lagula jiro waana beesha degto gobolka Hiiraan.
Dhiig-baxa kusocda macawislayda Hiiraan, waxuu noqday mid lagu fiirsaday dagaalka, dowlada iyo dadyowga kale ee ladaganba, tusaale, shalay oo kaliya, 56 wiil ayaa dhintay, maalin kasiihoraysayna 67 ayaa god-gashay oo labud-dhigay, dhaawacu waa 109. Ogow waxa xabada kooxda AS wajiga udhiganaya, waa hal reer, waa afarta Samatalis, oo sadaxdii sano ee lasoodhaafay kunaf iyo xoolo waayay.
Maanta xabad aan ahayn tan Xawaadle, kooxda AS kuma socoto. Kow iyo tobonka gobolka ee ay AS kahowlgalaan, meesha kaliya ee ay rasaastu kadhacayso waa furimaha macawisleyda Hiiraan.
Dal ba’aow yaa Kuleh?