Diidi laheydaa, aqbali laheydaa, caytami laheydaa, inkiri laheydaa, caroon laheydaa, dhiiga kugu kari lahaayaa, sokorta kugu kici laheydaa, shubmi laheydaa, adey kuu taal, aniga kuleyl iyo qabow midna iguma heyso, balse waxaan ku leeyahay caafimaadkaaga ilaali.
Nacasnimo looma baahna, wax lala murugoodana meesha ma yaalaan, waxani waa taariikh, taariikhda oo la dafirana waxba kuma beddelmayaan.
Warkaan wuxuu ku socdaa Ilmaha aan waxba ogeyn ee lagu ababiyay Xawaadle iska diid iyo Xawaadle iska riix. Waa lama huraan in la idin baro oo aad taariikhda dhabta ah wax ka ogaataan, ogowna iney tahay wax ka horreeyay aabahaa iyo awowga.
Haddaad qoraalkaan aad u dhibsato waxaan kugula talinayaa koob ku miir laba xaboo liin dhanaan ah, ku dar qaado buuxda oo cusbo ah iyo saddex xabboo basbaas gaduud, biyo ha u dhaweyn, kadibna cab, waad qaboobiye.