Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Hadalkii Ilhaan Cumar ee muranka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dood ka abuuray Mareykanka

    Hadalkii Ilhaan Cumar ee muranka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dood ka abuuray Mareykanka

    By radiohalgan.comJanuary 30, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaan sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo Congraess-ka ku matasha gobolka Minnesota inay is casisho kadib khudbad ay ka jeedisay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis.

    Ilhaan Cumar oo 27-kii bishan hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri: β€œIntii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.”

    Arrintan ayaa dood ka dhalisay gudaha Mareykanka, iyadoo dadka cambaareeyay hadalkeeda ay ku tilmaameen inay danaha Soomaaliya ka hormarisay kuwa Mareykanka.

    β€œHadallada carada leh ee Ilhaan Cumar ee Soomaaliya ay muhiimadda ku siisay waxay dharbaaxo wejiga looga dhuftay ku yihiin dadka Minnesota ee iyada loogu doortay inay u adeegto waxayna carqaladeyn toos ah ku yihiin dhaarteeda xafiiska,” ayuu yiri xildhibaan Tom Emmer oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X. β€œWaa inay ceeb darteed isu casishaa.” Ayuu sii raaciyay.

    Ilhaan oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee Congress-ka loo doorto, ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in β€œMareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

    Oggolow Twitter macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji β€˜aqbal oo soco’.

    Muuqaalkeeda oo lasoo dhigay barta X ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, waxaana aad loo hadal hayay gaar ahaan hadal loo tarjumay sidan: β€œSoomaali ahaan, mar baan ka daba tegi doonnaa dhulalka naga maqan.”

    Ilhaan ayaa jawaab ay arrintaas uga bixisay barteeda X waxay ku tiri β€œKeliya maaha mid hal dhinac ah balse gebi ahaanba waa mid ujeeddada ka baxsan,” ayay tiri Ilhaan.

    Dhanka kale, xukuumadda Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa u jawaabtay hadalkan ay dhawaan jeedisay xildhibaanad Ilhaan Cumar.

    Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cali Xassan Maxamed, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ku sheegay, in aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Ilhaan colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida.

    Waxaa uu ku eedeeyay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Laascaanood isla markaana ay nacayb iyo kala qeybsanaan ka dhex abuurtay Soomaalida, waa sida uu hadalka u dhigayee wasiirka.

    Waxaa uu qoraalkiisa intaa raaciyay in la joogo waqtigii “Ilhaan lagula xisaabtami lahaa khaladaadka ay gashay.”

    Sidoo kale xildhibaan Marjorie Taylor Greene oo iyadana xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa Ilhaan ku eedeysay inay wacad ku martay difaaca xudduudaha Soomaaliya halka ay kasoo horjeesatay dadaallada lagu ilaalinayo xadka Mareykanka iyo Mexico.

    Soomaaliya
    Qoraalka sawirka,Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre

    Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse weli dunida lagama aqoonsana.

    Waxay ahayd 1-dii bishan markii heshiis is-afgarad ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo ku aaddanaa in Itoobiya ay isticmaasho Badda Cas, iyadoo looga beddelanayo inay aqoonsato Somaliland.

    Arrintan ayaa xiisad ka abuurtay Geeska Afrika, iyadoo madaxda Soomaaliya ay sheegeen inaysan marnaba aqbaleyn in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya uu qaato dal kale.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa yiri: β€œWaxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego in ay is dejiyaan, waxaan rabaa in aan u caddeeyo in ay naga go’an tahay in aan difaacno dalkeena. Dhulkeena, baddeena iyo hawadeena, qayb ka mid ah laguma xad gudbi karo, si kasta oo sharci ahna waanu u difaacaynaa. Waxaanan hubaa anagoo kaashanayna shacabkeena hadii ay joogaan waqooyi iyo hadday Koonfur joogaanba inaan awoodno inaan dalkeena difaacanno”. Ayuu yiri.

    Muxuu helitaanka dekad uga dhigan yahay Itoobiya?

    Itoobiya
    Qoraalka sawirka,Rw Abiy Axmed waxa uu goor hore sheegay in dalkiisa ay muhiim u tahay in uu helo deked

    Ka shaqeynta ama helintaanka 20km oo xeebta ah ayaa laga yaabaa in aanay u ekaan wax weyn laakiin Itoobiya oo aan bad lahayn, helitaanka dekedd waxay muhiim u tahay badbaadadeeda dhaqaale. Waa dalka ugu dadka badan adduunka ee aan lahayn xeeb, tani waxay soo bandhigaysaa caqabado muuqda oo dhinaca koboca waddanka ah.

    In ka badan 95% ganacsiga caalamiga ah ee Itoobiya waxa uu ku tiirsan yahay dalka deriska ah ee Jabuuti, kaas oo leh 31km oo xeeb ah. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay baahida dalkiisa ee helitaanka deked dheeraad ah arrin “muhiim ah”, wuxuuna ku dooday khudbad uu ka jeediyay telefishinka bishii Oktoobar ee sannadkii hore in dekedda Badda Cas ay lagama maarmaan tahay in ay 120 milyan oo muwaadiniin ah ka saarto “xabsiga dhuleed”

    Ganacsigu ma noqon karo halkaas qodob oo kaliya. Dalku waxa uu ahaan jiray quwad baddeed oo leh laba dekedood oo kala ah Massawa iyo Assab. Hase yeeshee Itoobiya waxay dhulkaas xeebaha ah ku wayday markii ay Eritrea ka go’day oo ay noqotay dal cusub 1993-kii.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.