Erling Haaland ayaa amaanay saameynta Rasmus Hojlund ee Manchester United ka dib bilow adag oo nolosha Old Trafford.
βSidii uu ku bilowday noloshiisa premier League ay adkayd laakiin wuu soo fiicnaanayaa, markii aan ka hor tagnay wuu fiicnaaβayuu Haaland yidhi markii la waydiiyay fikirkiisa ku aadan xiddiga man United.
βWaa xiddig daβyar ah sidayda oo kale, anigu haatan ma ihi wiil yar laakiin isagu waa xiddig daβyar ah, waa in uu sii wado horumarka uu ka samaynayo Man Unitedβ.
Xiddiga Hojlund ayaa ku dhibaatooday kooxda Man United 14-kii kulan ee ugu horeeyay Man United premier League xilli ciyaareedkan.
Labada xiddig ayaa horay la isku bar-bar dhigay sabab la xidhiidha magacooda is shabaha iyo wadada ay soo mareen.

