Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka qeybgalay kulan soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Hogaanka dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanada Ssc Khaatumo.
Kulankaan uu soo agaasimay Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Hirshabeelle iyo Ssc Khaatumo.
Madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyay Hogaanka guud ee dhaqanka Khaatumo iyo siyaasiyiinta soo dhoweynta diiran oo ay u sameeyeen, waxaana kulankaan ku wehliyay lataliyaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.